Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ahlu-xaddiiska

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Ahlu-xaddiiska

Postby ina Warfaa » Sun Apr 20, 2014 11:03 am

Ahlu-xaddiiska

Ahlu-xaddiiska waa kooxda badbaadayso loona gargaarayo

Ahlu-xaddiisku waxay raacaan Kitaabka iyo Sunnada iyagoo u fahmaya siday u fahmeen Salafu-saalixa ee ahaa Saxaabada, Taabiciinta iyo kuwii ku raacay gadaashood wanaagga, waxayna Kitaabka iyo Sunnada Nabiga n.n.k. ka hormariyaan hadal iyo hab nololeed kasta hadduu ahaan lahaa wax ku saabsan caqiidada, cibaadada, mucaamalada, akhlaaqda, siyaasadda iyo bulshada sida fuqahada muxaddisiinta ah. Ahlu-xaddiisku waxay ka hortagaan shirkiga, bidcada, khuraafaadka iwm.Caqiidada Ahlu-xaddiiskaCaqiidada Ahlu-xaddiisku waa isla caqiidada Salafu-saalixa, taas oo laga soo qaatay Kitaabka iyo Sunnada, waxayna kala soo dhex baxeen Ahlu-xaddiisku usuushan cilmiga iyo qawaaciddan manhajiga ah ee soo socda:

1. Towxiidka: Ahlu-xaddiisku waxay rumaysan yihiin inuu Towxiidku yahay diinta asalkeeda, marka diinta ay dadka barayaanna Towxiidka ayay uga bilaabaan, waxayna dadka baraan saddaxda nooc ee uu ka kooban yahay Towxiidka gaar ahaan Towxiidka Ilaahnimada kaas oo aysan garanayn dadka badankiis iyagoo rumaysan Towxiidka Rabbinimada, loona rumeeyo inuu Eebbe Kor ahaaye yahay kan dadka xukminaya, kumana ekaadaan inay qiraan oo la dhaqangeliyo siyaasada Shareecada Islaamka oo kaliya ee waxaa looga baahan yahay shaqsi kasta inuu Eebbe Kor ahaaye ka dhigto kii xukminayay nafsaddiisa wixii kasta oo la xiriira noloshiisa haddii ay ahaan lahayd fikirkiisa, hab-dhaqankiisa iyo haddii ay ahaan lahaydba sharci dejin.

2. Raacitaanka: Ahlu-xaddiisku waxay isku taxalujiyaan inay raacaan wixii ka sugnaaday Nabiga n.n.k. iyagoo u qaadanaya sidii ay u fahmeen Salafu-saalixa, sidaas darteed ma ku dhagaan oo kuma dhaqmaan mad-hab fiqhi gaar ah oo aan daliil wadan, hase ahaatee waxay ku baaqayaan inuu Ijtihaadku u furan yahay qofkii shuruudihiisa la yimaado, qofka caamada ahna mad-habkiisu waa mad-habka Muftigiisa, wayna ixtiraamaan culimada mujtahidiinta ah gaar ahaan imaamyada madaahibta leh.

3. Waxay Kitaabka iyo Sunnada Nabiga n.n.k. ka hormariyaan caqliga, maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin caqliga wanaagsan inuusan ka hor imaanayn nusuusta shareecada ee saxda ah.

4. Daahirinta nafta ee sharciga waafaqsan: Waxay naftooda isku daahiriyaan sida waafaqsan Kitaabka iyo Sunnada Nabiga n.n.k., waxayna ka soo horjeedaan in lagu dhaqmo Tazkiyada nafta ee Bidcada ah hadday ahaan lahayd suufiyada ama wax kale.

5. Ka digitaanka bidcada: Ahlu-xaddiisku waxay u arkaan la imaanshaha bidcada inay tahay run ahaantii waxaynu dhamaystiraynaa diinta Eebbe ee aan dhamaystirnayn oo dadkii diin looga dhigo ra’yi iyo caqli, sidaas darteed waxay Ahlu-xaddiisku dadka ugu yeeraan in lagu sugnaado Sunnada Nabiga n.n.k. lagana dheeraado bidco noocay doonta ha ahaatee.

6. Ka digitaanka Axaadiista aan sugnayn iyo kuwa lagu soo daray: Axaadiista noocaas oo kale waxay ummadda ku haysaa halis wayn, sidaas darteed waa lagama maarmaan in layska hubiyaa Axaadiista loo tiirinayo Nabiga n.n.k., gaar ahaan kuwa la xiriira caqiidada iyo axkaamta.

7. Jihaadka Eebbe dartiis loo dagaalamayo: Ahlu-xaddiisku waxay aaminsan yihiin inuu Jihaadka ka mid yahay acmaasha kuwooda ugu wanwanaagsan socon doonana tan iyo qiyaamaha si loo kor yeelo diinta Eebbe fasahaadna uusan u jirin, sida uu Eebbe Qur’aankiisa sharafta leh uu ku leeyahay:

(حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله).

8. In lagu dhaqmo Shareecada Islaamka: hadday ahaan lahayd nolosha qofka nafsad ahaantiisa ama bulsho ama siyaasad ama dhaqaale sida waafaqsan Shareecada.

9. Ahlu-xaddiisku waxay rumaysan yihiin haddii loola yimaado Eebbe Barbaariyaha uumanka Towxiidka khaaliska ah iyo camal waafaqsan Sunnada Nabiga n.n.k. in la mutaysanayo gargaarka Eebbe iyo sugnaanshihiisa waana labada shardi ee lagu aqbalo acmaasha, dibna loogu helayo Khilaafadii Islaamka sida uu Eebbe Kor ahaaye ku balanqaaday Qur’aankiisa:

وعد الله الذين آمنوا منكم وعملوا الصالحات ليستخلفنهم في الأرض كمااستخلف الذين من قبلهم
 وليمكنن لهم دينهم الذي ارتضى لهم وليبدلنهم من بعد خوفهم أمنا
  
Sidaas darteed waxay dadka ugu yeeraan sida waafaqsan Shareecada sidii Towxiidka ay uga saari lahaayeen wixii bidca ah, caqiido qaldan, hab dhaqan qaldan, Axaadiistana ay uga saari lahaayeen wixii lagu soo daray, ummaddana sidaas ku barbaarin lahaayeen.

10. Ahlu-xaddiisku waxay ka hortagaan kooxaha baadiyaysan ee ka leexday jidka saxda ah sida Shiicada iwm., sidoo kale waxay ka hortagaan afkaarta mucaasirka ah ee baadiyaysan ee ka soo horjeeda Islaamka sida Calmaaniyada, Hantigoosiga, Hantiwadaaga iwm.

Asalka caqiidada iyo fikirka Ahlu-xaddiiska

1. Kooxda Ahlu-xaddiisku waxay axkaamta ka soo qaataan Kitaabka iyo Sunnada Nabiga n.n.k. sida fuqahada muxaddisiinta ee Salafu-saalixa ee Ahlu-sunna wal-jamaaca.

2. Ahlu-xaddiisku waxay akhristaan kutubta Salafu-saalixa si guud, waxayna si gaar ahna u akhristaan kutubta ay qoreen culimada sida imaam Ahlu-sunna wal-jamaaca Axmed ina Xanbal, Sheekhul-Islaam ina Taymiya iyo imaam ina Qayim al-Jawziya -dhamaantood Eebbe ha u naxariistee- sidoo kale waxay akhristaan kutubta culimada dacwa Salafiya ee mucaasirka ah sida Sheekhul-Islaam Maxamed Naasiruddiin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- .              

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi "ina Warfaa" http://www.freewebs.com/ina-warfaa

User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Ahlu-xaddiiska

Postby abuu_dujaana » Mon Apr 21, 2014 12:01 am

جزاك الله خيرا Ustaad Ina Warfa.
Aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan qaadnay jidkiii  :
تعس عبد الدينار والدهم
Ilaah hanna soo hanuuniyo.

ghhtty
Posts: 1
Joined: Fri Sep 26, 2014 6:45 am

Re: Ahlu-xaddiiska

Postby ghhtty » Fri Sep 26, 2014 7:05 am

Aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan qaadnay jidkiii : fifa 15 ultimate team coins

User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Ahlu-xaddiiska

Postby abuu_dujaana » Mon Nov 24, 2014 3:18 am

Aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan qaadnay jidkiii : fifa 15 ultimate team coins
ghhty, magacu kakan badanaa yaab waayee!!!
sxb bashaalka fifa waa loo baahan yahay :up:

User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Ahlu-xaddiiska

Postby abuu_dujaana » Fri Sep 09, 2016 10:17 pm

من كان له مال فلم يضح فلا يقربن مصلانا ـ وبلفظ: من وجد سعة فلم يذبح فلا يقربن مصلانا

Xukunkiisa maxuu noqonayaa qofkii aan xoolo qalin maalinta carafah asigoo awooda?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests