FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNE CULUSOOW

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
nasradiin32
Posts: 55
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: from

FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNE CULUSOOW

Post by nasradiin32 »

SALAMA ALAIKUM ,MADAXWAYNE
ILAA IYO INTII LAGUU DOORTAY JAGADA HOGAANKA DALKA SOMALIA DADKA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGAAN WAA KU EEGAYAAN
KUNA QIIMAYNAYAAN SIDA AAD U DOONAYSID INAAD SOMALIA UGU SOO CELISO NABADII,XASILOONIDII,IYO MIDNIMADII
BILAWGII XILQABASHADAADA WAA LAGUU HANWAYNAA HADASE WAXAAN NDAREEMAYAA IN QAYB WAYN OO BULSHADA SOOMAALIYEED AHI
AY KAA HUNGURI JABEEN KA DIB MARKII AY ARKI WAAYEEN WIXII AY FILAYEEN IYO GEEDI SOCODKII XUKUUMADAADA OO KHALDAMAY
WAXYAABIHII MUHIIMKA AHAA EE LOO BAAHNAA IN DEGDEG LOO QABTO OO INTA LAYSKA INDHOTIRO WAXYAABO AAN SIDAA MUHIIM U AHAYN
LAYSKU MASHQUULNAYO,IYO DAWLADAADA OO UBA MUUQATA MID AAN DIYAAR U AHAYN WAXAANA MUUQATA HALKII AAN SUGAYNAY ISU SOO DHAWAANSHAHA UMMADDA SOOMAALIYEED INAY SII KALA FOGAANAYSO DAGAALADII SOKEEYENA EE QABAA,ILKUNA DIB U BILAABMEEN AMA BILAABMAYAAN

MADAXWAYNE" XAALADDA SOOMAALIYA WAA MID AAD U MURUGSAN SIDAAN WADA OGNAHAY WAXYNA U BAAHAN TAHAY HAWLADAG IYO GEESINIMO,ARAGTIDAYDA OO DAD BADANI ILA QABAAN FEDERAAL IYO MAAMUL GOBOLEEDYO SOOMAALIYA XAL U KEENI MAAYAAN INAY DHIBAATADA SII HURIYAAN MOOYAANE,ITOOBIYA,KENYA,UGANDA,BURUNDI IYO UN KUNA SOOMAALIYA XAL U KEENI MAAYAAN INAY DHIBAATADA SII KORDHIYAAN AMA HURIYAAN MOOYAANE WAAYO WADAMADA AAN SOO SHEEGAY DANTOODA DHAQAALE,IYO XUDUUDEEDBA WAXAY KU JIRTAA QALALAASAHA IYO XASILOONI DARIDA SOOMAALIYA WAANA FILAYAA ARINTAA INAAD OGTAHAY
ARAGTIDAYDA XALKA SOOMAALIYA WAXA UU KU JIRAA INAAD DHISTO CIIDANKII XOOGA DALKA OO TAYO IYO TIRO HADAFKOODUNA YAHAY BADBAADINTA SOOMAALIYA SI AAD UGA HOOS BAXDO WADAMADA U SOO SHAQO TEGEY SOOMAALIYA EE BARIGA IYOO GEESKA AFRIKA OO AAN IYAGU MARNABA YEELI DOONIN IN SOOMAALIYA DEGTO XASILOONIDIINA KU SOO NOQOTO LANA TASHATID SARIIKIISHII DAACADA AH EE U DHAARTAY DIFAACA SOOMAALIYA
WAXAA KALE OO MUHIIM AH INAAD UMMADDA SOOMAALIYEED TOOS ULA HADASHIS UNA SHEEGTID XAQIIQDA AH IN SOOMAALIYA U BAAHAN TAHAY SI KASTABA ,DAREENSIISID MUWAADIN-NIMADA
WAXAAD HAYSTAA FURSAD TAARIIKHDA KUU GELI KARTA ,WAXAAD KALE OO HAYSTAA WADAMO U DIYAAR AH INAY CIIDANKA SOOMAALIYA DHISAAN.WAXAAD KALE OO HAYSATAA SHACAB DIYAAR U AH
MADAXWAYNE QARAN IYO QABIIL MEEL MA WADA GALLAAN TALADASOOMAALIYEEDNA KA SAAR GACANTA CADAWGEEDA
ILKAAHAY WAXAAN KA BARYI INUU KU WAAFAJIYO WANAAGA
BY DARWIIISH :som:




















Top
User avatar
Vivacious
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5189
Joined: Wed Feb 20, 2013 9:48 am
Location: Life is waking up an hour early to live an hour more :)

Re: FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNE CULUSOOW

Post by Vivacious »

nasradiin32

Posts: 24
Joined: Thu Jan 01, 1970 4:00 am
Location: from

Joined in 1970? :usure:

No punctuation marks whatsoever? :?
User avatar
Arabman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1881
Joined: Sat Jul 27, 2013 8:13 am
Location: Retired

Re: FARIIN KU SOCOTA MADAXWAYNE CULUSOOW

Post by Arabman »

nasradiin32, better write fariin to president Culusoow's foreign employers.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”