Hoggaamiyaasha Soomaalida ah ee ku sugan dalka Ereteriya, ayaa shir ay ku yeesheen halkaasi ka soo saareen baaq ku wejehan, shacabka Soomaaliyeed waxeyna ugu baaqeen inay u midoobaan sidii cadowga xooga ku heysan looga saari lahaa dalka, isla markaansa ka gudbaan khilaafaadka iyo kala aragti duwanaasha dhexdooda ah, waxaana ay ku eedeeyeen dawlada Argoosiga ee Imbagathi, inay daba-dhilif u tahay Ethiopia oo ay dadka iyo dalkaba khiyaamaysay...
Afhayeenka Baarlamaanka garabka diidan joogitaanka Ethiopia, Shariif Xasan Sh. Aadan, Gudoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sh. Axmed, iyo Xuseen Maxamed Caydiid, ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa war murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegeen “waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay is cafiyaan iskana hilmaamaan Khilaafaadkii hore u dhacay ee sababay 17 sano oo dagaallo sokeeye ah, isla markaana ay u midoobaan kacdoonka dalka looga saarayo ciidamada Ethiopia ee dalka haystaâ€sidoo kale waxeyna ku sheegeen baaqooda, “Waxaan dalbanaynaa in si dhaqsi ah oo shuruud la’aan ah ay dhammaan dhulka Soomaaliyeed uga baxaan ciidamda Itoobiya ee soo duuleyâ€, Hoggaamiyaashaan ayaa meesha ka saarey sharcinimada dawladda Imbagathi, iyagoo ku eedeeyey Ciidamada dowlada Ethiopia inay xasuuq iyo dhac, kufsi, burbur hantiyeed iyo barakicin ka geysteen magaalada Muqdisho, War murtiyeedkan ayey hoggaamiyaashu mar kale ku celiyeen baaqoodii in la qabto shirweyne qaran oo lagu soo dhiso dawlada Qaran oo loo dhan yahay, kaasoo ay ku taliyeen in dal dhexdhexaad ah lagu qabto.



