Odoyaal iyo waxgarad ka tagay gobolka G/gaduud oo saraakiil itoobiyaan ah la kulmay.
May-09-2007-HornAfrik, Mogadishu
Odoyaal iyo waxgarad ka ambaxay gobolka G/gaduud oo dhulka is Maamulida Itoobiya kulamo kula soo yeeshay saraakiil itoobiyaan ah ayaa la soo bandhigay sharuudo ay ka mid yihiin in odoyaashaasi ogo laadaan in kumanaan Ciidamo itoobiyaan ah la keeno deegaano katirsan gobolka G/Gaduud iyo in mudo 12 cisho ah ay hubkooda ku soo arruuriyaan.
Kulankaan oo ku soo gaban gaboobay Magaalada shilaabe ee dalka itoobiya islamarkaana soconayey mudo Maalin iyo habeen ah aay dhexmaray odoyaal ka socday Magaalooyinka dhuusa-Mareeb iyo guraceel iyo korneyl katirsan Ciidamada malatiriga ee dalka itoobiya oo lagu magacaabo korneyl wade thru oo shirkaan ku casuumay odoyaasha ogana yimid Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Addis-Ababa.
Shirka dhexmaray odoyaasha iyo korneyl Thru ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo laxiira nabadgalyada deegaanada hubka iyo waxa uu korneylku ugu yeeray joogitaanka rag katirsan Maxkamadihii islaamiga
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa loo sheegay odoyaasha in ay ku soo aruuriyaan hubka gobolka yaala mudo 12 cisho ah is markaasi ammaanka loo xaqiijiyo sida ay sheegeen qaar ka mid ah odoyaasha ka qeyb galay kulankaasi




