Qarax xoogan oo laga wada maqlay magaalada Muqdisho oo dhan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Via Liberia iyo Taleex, iyadoo wali aan la ogeyn qaraxaan qasaaraha uu geeystay.
Sida ay shabelle u sheegeen dadka deegaanka Waaberi, Abaarihii saakay 8:20 mirir sawaxanka qarax xoogan ayaa laga maqlay halkaasi, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia.
Wariyeyaal ka tirsan shabelle ayaa halkaasi u ambabaxay si ay u soo ogaadaan qasaaraha uu geeystay qaraxaan oo aan la garaneyn in uu ahaa miino halkaasi la dhigay iyo in uu ahaa bam gacmeed.
Xalay ayay aheyd markii qaraxa xoogan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Aadan Cadde, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha uu geeystay.
Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net
Click here to find this article in english
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us:
info@shabelle.net You call this silence..!
C/yusuf is silence..!
