Liqaaye read this article
Terrorists are now in Hargeysa
it starts with USA airforce taking pictures of your cities and will end Ethiopian and Somali infentry forces
Maamulka Somaliland Oo Walaac Siyaasadeed Ka Muujiyey Diyaaradaha Wax Basaasa Oo Dul Heehaabaya...
Magaalooyinka gobolada waqooyi ee isku magacaabay som-land ayaa dhowaanahanba farta wadnaha kaga hayey in maamulka dowlada federaalka ah ee uu madaxweynaha ka yahay col,c/laahi yuusuf axmed saamayn ku yeesho ,taasoo durba hawada waqooyi lagu arkayey diyaaradaha lagu sheegay
Warar isa soo taraya ayaa tibaaxaya in maamulka som-land uu bilaabay olalayn ka bilaabantay wel-welka laga qabo dowlada KMG ah ee ku sugan koonfurta iyo bartmaha soomaaliya ay xayndaab ka samaystaan taasoo sida wararku sheegayaan mashquulisay madaxweyne daahir riyaale iyo maamulkiisa .
Axmed muuse dhubad oo kamida aqoonyahaniinta som-land islamrkaana indha indheeya siyaasada ayaa ka muujiyey muuqaal murugo leh diyaarado la sheegay inay dhowaanahanba dul heehaabayeen magaalooyinka burco, ber-bera iyo hargaysa taasoo sida wararka lagu helayo ahaa diyaaradaha loo malaynayo maraynkanka ee wax basaasa.
Axmed muuse ayaa isagoo saxaafada u waramaya sheegay inay tahay mid laga xumaado in durba ay na saamayso dowlada yare ee Nairobi lagu soo dhisay waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ku sheegay in uu c/laahi yuusuf uga digayo inuusan kaga ciyaarin waxa yare ee iftiinka ah ee dhoob dhoobteen som-land taasoo uu ku macneeyey in halgan dheer loosoo galay dadaalna lagu keenay nabada umnada som-land manta harsanayso waa siduu hadalka u dhigaye .
Axmed muuse ayaa Mar ay saxaafadu waydiisay maxaad ka qabtaan hadii maamulkiina federaalka sidiisaa loogu daro maxay keeni kartaa ayaa sheegay inaysan taasi macquul ahayn ee ay yihiin som-land dal dowlada ah islamrkaana ay ilaalinayaan deris wanaaga umada walaalahooda ee soomaaliyeed .
Waxaa kale oo la waydiiyey maxay kula tahay diyaaradaha aad sheegtay ee dul hee haabaya hawada waqooyi ,ayuu waxuu ku jawaabay waa rooxaantii c/laahi yuusuf waayo waxaan u malaynayaa ama shacabka som-land aaminsan yahiin inuu doonayo ninka madaxda u ah dowlada KMG ah ee soomaaliya inuu qas ka bilaabo dalka som-land waa siduu hadlka u dhigaye .
Dhaq –dhaqaaqa siyaasadeed oo som-land ayaa si weyn isu bedelay tan markii ay istaageen dagaaladii ka soconayey magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo ay sii xoogaysanayso xiisad siyaasadeedka ka aloosan magaalada hargaysa oo u muuqata mid wel-wel ku abuuraysa siyasiyiinta goosashada jecel .
Si kastaba ha ahaatee diyaaradaha lagu sheegay marayknaka ee dul hee-haabaya hawada som-land ayaa si weyn looga hadal hayaa gobolada hoos taga maamulka som-land kaasoo dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta ku abuurtay walaac siyaasadeed oo sida hirarka isu soo taraya, xaalada diyaaradahan ayaa kusoo beegmaya xili ay wasaarada arimaha dibada xukumada Ethiopia ay faafisay wararka sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG ah ee col,c/laahi yuusuf la geyn doono magaalada hargaysa iyadoo ay hareeraha ka joogaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,taasina ay shaki gelisay xiriirkii u dhexeeyey Ethiopia iyo som-land