Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Faalo: Xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale ay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Faalo: Xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale ay

Postby Hiiraan boy » Sat May 12, 2007 7:38 am

(Kismaayo) Maxaa ka jira in Xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale ay ku lug leedahay Arrinta Magaalada Kismaayo (Faallo).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Kmg ah ayaa xilalkii looga xayuubiyay Labo Xubnood oo Miisaan culus ku leh Siyaasada Soomaaliya.


Mida Kowaad waxaa aad la isu weydiinayaa xil ka qaadista lagu sameeyay Col. Barre Hiiraale oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo.

Dadka odorasa Siyaasada ayaa waxa ay sheegayaan in xil ka qaadista Mr Barre ay la xiriirto arrinta ka taagan magaalada Kismaayo.

Mushaakilka ka taagan Kismaayo ayaa wali ah mid aan ilaa iyo iminka la xalin, iyadoo mushaakilkaas darteedna uu xilkiisii ku waayay Col. Barre Hiiraale.

Dhawaan ayay aheyd markii maleeshiyaad ku heyb ah Col. Barre Hiiraale ay la wareegeen Magaalada Kismaayo, iyagoo Magaaladana ka saaray Maleeshiyaadkii Puntland oo uu horkacayay Col. C/risaaq Afgaduud.

Magaalada Haatan waxaa gacanta ku haya Maleeshiyooyin ku heybta Barre Hiiraale, waxaana dhici karta in xil ka qaadistiisa ay ku gacan seyraan, isla markaana halkaas dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay.

Dadka reer Kismaayo ayaa ku eedeeyay Dowladda Kmg ah in aysan dhex dhexaad ka aheyn beelaha guud ee Soomaalida isla markaana ay awood is biday wixi ka danbeeyay markii ay la wareegtay dalka.

Maleeshiyaadka ku heybta ah Barre Hiiraale ayaa laga cabsi qabaa in ay ku gacan seyraan dhaq dhaqaaqyo maalmahan socday oo lagu heshiisiinayo iyaga iyo Maleeshiyaadkii laga saaray Magaalada Kismaayo, arrinta Barre Hiiraale Darteed.

Wareegtadii Xilka looga qaaday Barre Hiiraale ayaa lagu sheegay inuu gudan waayay howshiisa, isla markaana uu ka soo horjeestay Siyaasada Dowladda.

Xilka qaadista Lagu sameeyay Barre Hiiraale ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul wasaare Kuxigeenka ahna wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xuseen Ceydiid, oo isagu maalmahanba la hadal hayay in xilka laga qaadayo, kadib markii uu ku biiray Xubnaha Asmara jooga.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta kacsan, iyadoo goobaha ay dadku isugu yimaadaan laga wada hadal hayo talaabada xilka looga qaaday Barre Hiiraale iyo Xuseen Caydiid.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 16 guests