Postby LiQaaye_TDH » Sat May 12, 2007 2:58 pm
Highclass.. wallahi i just read this on jidbaale and i was gonna send it to ya...Its owned by Dahabshiil and Ali khalif galeyr... but now its more like 100% Dahabshiil...
here is the article from jidbaale.com...
Nabad galyadda Caasimada Labaad eejamhuuriyadda Soomaaliya Hargeysa ayaa muddooyinkan danbe ka soo daraysa , ka dib markii habeenaddii ugu danbeeyey bamgacmeedyo lala beegsanayey xarumo kuyaala magaaladaasi ayna ugu danbaysay xarunta Somtel.
dhismaha Cusub ee magaalada Hargeysa ka dhisanayso shirkada Isgaadhsiinta Somtel ayaa Bom Gacmeed lala Beegsaday,
Xarunta Shirkada Somtel oo dhisme Cusub ah ayaa lagu tuuray Bomka iyadoo aanay cidi waxba ku noqon balse dhaawac soo gaadhay dhismaha iyo Deerka Kaalinta Cajab oo iyaduna dhinaca ku haysa.
Mid ka mid ah ilaalada Dhismaha ayaa sheegay in ay ku baraarugayn qarax weyn oo gilgilay dhamaanba dhismaha markay dibada usoo yaacayna qiiq iyo uuro ay arkayn balse aanay arag cid iyo meelk laga soo tuuray bomka.
Qaar kamid ah Booliska Saldhiga dhexe oo usoo gurmaday ayaa iyaguna sheegay inanay arag cid soo tuurtay balse markay meesha yimadayn ay ugu yimadeen uun ilaalada iyo dad kale oo kusoo toosay qaraxa.
Shirkada Somtel oo ay shuraako ku yihiin Dahabshiil iyo iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, hasa yeeshee uu Cali KHaliif dhawaan inta badan ku wareejiyey Dahabshiil ayaa haatan waxay shirkadu inta badan ka shaqeysa gobolada Bariga iyo Maamul Goboleedka Puntland waana markii ugu horeysay ee shirkadu usoo gudubto dhinaca hargeisa.
Maaha markii ugu horeysay ee bom lala beegsado meelo ka mid ah magaalada Hargeysa waxana ka horeyey Bomkan mid lala beegsaday Guriga wasiirka Warfaafinta, Xarunta Madaxtooyada agteeda, Wasaaarada Maaliyada iyo xarunta ciidanka Dambi Baadhista oo dhamaantood saqdhaxe lagu tuuray Bom iyadoon wali aan la hayn cida si dhab ah uga dambeysa falalkan.
wasiirkaa Arimaha Gudaha Md Cirro oo mar ka waramay ayaa sheegay inay hada dad u hayaan isla markana raad fiican ku joogan cidi ka dambeysay falalkan sharcigana hor keeni doonan
Jidbaale.com