Xaalada Magaalada Kismaayo oo xalay ilaa iyo saaka kacsan, Rasaas xoog badan oo laga wada maqlayo Magaalada.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xalay iyo saaka aheyd mid aad u kacsan, iyadoo Magaaladuna ay ku waabariisatay rasaas aad u xoog badan oo Magaalada oo dhan laga wada maqlayo.
Wararka naga soo gaaraya Magaaladaas ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ay ka jirto Magaalada, tan iyo wixii ka dambeeyay markii shalay xilkii laga qaaday Col. Barre Hiiraale.
Wararka la helayo ayaa iyana waxa ay tilmaamayaan in rasaasta ka dhaceysa Magaalada ay xataa sababi karto in Dagaalo ay mar kale ka qarxaan, taasoo dhinacii hore looga itaalka roonaaday dagaalka, lagana saaray magaalada ay haatan xaadir ku yihiin duleedka Magaalada.
Ma ahan Rasaasta dhaceysa kaliya carada laga qabo xilka qaadista Col. Barre waxaa kaloo muuqaneysa saan saan colaadeed oo ay wadaan dhinacyadii hore ugu dagaalamay magaalada oo bilaabay in ay is go’doomiyaan.
Deegaanka Buulo Gaduud oo ku taal Duleedka Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamadii laga saaray Magaalada ayaa iyana laga sheegayaa in ay ka jirto saan saan dagaal, waxaana ay taasi ka dambeysay kadib markii ay xayireen gaadiid geli jiray Magaalada oo soo mari jiray halkaas.
Dadka ayaa waxay cabsi weyn ka qabaan dagaalo mar kale ka dhaca Kismaayo, iyadoo kooxaha isku haya gacan ku haynta Kismaayo ay koox walba sheegaynayso in aysan wadin wax colaad ah, balse ay muuqato in colaadu ay tahay mid labada dhanba laga wado.
Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya Maleeshiyooyin ku heyb ah Wasiirkii Gaashaandhiga ee laga qaaday Xilkiisii, waxaana la ogeyn ilaa iyo hada kacsanaanta magaalada in ay tahay mid daba socoto xil ka qaadis iyo colaadaha ka jira Magaaladaas.




