Maamulkii guud ee gobolka Jubbada Hoose iyo kan magaalada Kismaayo ee Xaruntii Gobolka Jubbada Hoose ayaa manta Gebi ahaanba shaqada laga joojiyay, taasi oo xiisad ka kicisay magaaladaasi.
Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guryeynta Dowladda KMG ah ee Somalia Xasan Maxamed Cumar ayaa wareegto uu manta soo saaray ku shaaciyay shaqo joojintaasi oo uu ku tilmaamay mid KMG ah.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay maamulka inay lunsadeen dhaqaalihhii magaalada Kismaayo iyo kan Gobolka islamarkaana aysan waxba u qaban dadkii loo doortay inay hogaamiyaan, ayna ku guul darreysteen inay xal u helaan shaqaaqooyinka ka taagan Deegaanka Buul-Gaduud.
Waxa uu sheegay inay si joogto ah canshuurta u uruursadaan haddana sidaa oo ay tahay ay jeebka ku shubtaan oo aysan shacabka waxba ugu qaban.
Waxaan isaga shaqada laga joojin oo sii wadan doona Xisaabiyaha Guud ee magaalada Kismaayo oo uu Wasiir ku xigeenka sheegay inuusan wax dambi ah ka galin islamarkaana uusan sameyn wax is daba maryeen.
Wasiir Kuxigeenka Xildhibaan Xasan, ayaa ku amray Ciidamada maamulka inaysan waxba ka amar qaadan maamulka shaqada laga joojiyay ayna ku dadaalaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka guud ee Gobolka.
Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay magaalada Kismaayo oo la sheegay in manata aysan dhaq dhaqaaq maamul ka jirin.




