Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) “Haddii argagixisadii joogt

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) “Haddii argagixisadii joogt

Postby Hiiraan boy » Sun May 13, 2007 5:45 am

Dr. C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) “Haddii argagixisadii joogtay Xamar Washamsi lagu qaaday, Argagixisada ku harsan Kismaayo maxaa wax looga qaban waayey.?

Dr. C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) oo ka mid ah siyaastiinta Soomaaliyeed ee qurba jooga ah, kana soo jeeda gobolada Puntland, ayaa isagoo ku sugan dalka Mareykanka, xiriir uu la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee saxaafadda, wuxuu sheegay in Soomaalida Mareykanka badidood ay ahaayeen kuwii taageerada ugu badan la garab istaagay dowladda federaalka, ujeedada taageeradooduna ay aheyd in Qarankii Soomaaliya oo burburay dib loo yagleelo, iyadoo cidda hogaanka qabatana aan loo eegeyn shaqsi ama qabiil.

“Casharadii aan dowlad la’aanta ka baranay ee dhibaatada aheyd, ee sababtay in qofka Soomaaliga ah meel kasta oo adduunka ah laga naco, qofka dhibaatadaasi dareemi kara waxaan qabaa in uu leeyahay xittaa qofkeena ugu liita wax inooga dhiga, waayo, dowlad xun baa dhaanta dowlad la’aan” ayuu yiri Dr. C/llaahi Max’ed Faarax Diihaal, wuxuuna intaasi raaciyey in kooxaha ka soo horjeeda dowladda federaalka in ay iska daayaan arbushaada, ayna fursad siiyaan dowladda federaalka si ay u gudato waajibaadkeeda.

Dr. Diihaal, wuxuu sheegay in wixii ka danbeeyey markii ay dowladda federaalku la wareegtay gacan ku haynta caasimada Muqdisho, in ay jiraan dad badan oo is-weydiinaya, su’aal ah, haddii firxadkii argagixisadu ay weli ku harsan yihiin magaalada Kismaayo, ayna halkaasi ka wadaan fowdo, sababta ay dowladda federaalku ay wax uga qaban la’dahay arrinta Kismaayo.

Argagixisada joogta Kismaayo maxaa wax looga qaban waayey,? Ayuu is-weydiiyey Diihaal, isagoo dhinaca kalena sheegay in dad badan ay u fahmi karaan haddii argagixisadii Xamar joogtay Washamsi lagu qaaday, sababta loo dhowranayo tan Kismaayo, waxaana dadka ay u fahmi karaan sababta in ay tahay arrin qabiil.

“C/llaahi Yuusuf waa oday Soomaaliyeed oo nabad-doon ah, wuxuuna doonayaa in sharaftii & Qaranimadii Soomaaliya intii karaankiisa ah uu soo celiyo haddii ay Soomaalidu intaa la fahamto, mana ahan nin ujeedadiisu tahay in uu hanti uruursado, wuxuu doonayaa haddii ay Soomaalidu la shaqeyso in Qarankii Soomaaliyeed uu soo celiyo, talada & masiirka ummaddana uu Soomaaliya dhex-keeno” ayuu yiri Dr. Diihaal, wuxuuna kula taliyey madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in shaqsiyaad karti, aqoon & wadaniyad-ba leh in loo dhiibo xilalka muhiimka u ah dowladda federaalka.

Dr. C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) oo todobaadkii hore magaalada magaalada Chicago (IL), kulan kula yeeshay Senator Brack Obama oo ah musharax Mareykan madow ah, una taagan doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka, ayey ka wada-hadleen doorka dowladda Mareykanka ee ku aadan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu u gudbiyey Obama talooyin muhiim ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya, una balanqaaday in uu tallooyinkaasi hor geyn doona aqalka Senet-ka Mareykanka.



Wixii fikir ah oo aad warbixinta Diihaal ka qabto, halkan ugu dir jawaaba cabdulahif@gmail.com

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) “Haddii argagixisadii joogt

Postby DawladSade » Sun May 13, 2007 5:49 am

[quote]siyaastiinta Soomaaliyeed ee qurba jooga ah[/quote]

coffee shop regular dheh Cool

S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: C/llaahi Max’ed Faarax (Diihaal) “Haddii argagixisadii joogt

Postby S-D-M » Sun May 13, 2007 7:23 am

Shekada waxeey mareesaa "nin (Ethiopia) keyga baan kuguyeeri"

Ileen dadka qaarkood maxishodaan.........bismillah

war waxu jilicsanaa


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 75 guests