Col.C/laahi Yuusuf Oo La Kulmay Beesha Saleebaan...
Warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kooxda Argoosiga ee Imbagathi, Col. C/laahi Yuusuf uu maanta ku qaabilay xarunta Vila Soomaaliya odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka socda Beesha Xaaji Sulaymaan, Habargidir.
Kulankan maanta dhexmaray Col. C/laahi Yuusuf iyo waxgaradka beesha Saleemaan ayaa lagu sheegay dadkii ka qayb galay iney kor u dhaafayeen ilaa 50 xubnood oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed jaamac Furux iyo Cali Calas Qaareey, waxaana ku wehliyay Porf. Cali Maxamed Geedi iyo Gen. Gabre Dila taliyaha dowladda Imbagathi. Kulankaan ayaa la sheegay inuu soo qabanqaabiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Gacmadheere, waxayna labada dhinac ay uga wada hadleen sidii xaalada carikan ee magaalada Muqdisho looga wada arrinsan lahaa, isla markaasna looga baaqsado dagaalo kale oo ka dhaca magaalada, Kulankaan ayaa waxaa loo diiday Saxaafada, waxaana la sheegay in laga soo saaray Qodobadaan.
-In beeshu taageerayso Dawladda faderaalka ee Imbagathi.
-In Beeshu ay taageerto nabad ku soo celinta caasimadda.
-In Beeshu wixii cabasho ay ka tabanayso dawlada usoo gudbiso.
-In Beeshu lashaqeynayso dawladda qeybaha kaga soo aada.
-In Dowladu xal ka gaarayso dadka dagan goobaha dawladda sida xarunta gaashaandhiga, rugtii Saraakiisha Ciidamada ee Shiirkole iyo dugsiyada waxbarashada.



