Howlihii shaqo ee dekedda Magaalada Kismaayo oo dib u bilowday
Click here to find shabelle news in english
Kismaayo 14, May.07 ( Sh.M.Network) Howlihii shaqo ee dekedda magaalada Kismaayo ayaa dib u bilowday ka dib markii odayaal dhaqameedyo ay kala direen maleeshiyooyin muddo 48 saacadood ah halkaasi xoog ku qabsaday.
Odayaasha iyo waxagaradka Beesha Sade ayaa ku guuleeystay in ay dib u howl-galiyaan dekedda magaalada Kismaayo ka dib markii ay wada hadalo ku qanciyeen maleeshiyooyin halkaasi qabsaday, kuwaasi oo dib loogu celiyay xeryihii ay ka soo baxeen.
Maareeyaha dekedda magaalada Kismaayo Deeq Cabdi Xasan ayaa suxufiyiinta u sheegay in howlaha dekedda ay bilowdeen, isagoo sheegay in la qanciyay maleeshiyooyinkii hakadka galiyay howlaha dekedda.
Waxa uu ugu baaqay shaqaalaha dekedda iyo ganacsatada in ay dib ugu soo laabtaan dekedda isla markaana ay howlahooda dib u bilaabaan.
Maleeshiyooyinka hakadka galiyay howlaha shaqo ee dekedda magaalada Kismaayo ayaa ku andacoonayay in aysan helin wax mushaaraad ah, inkastoo hadda odayaasha dhaqanka ay u sameeyeen balanqaadyo lacageed.
Click here to find shabelle news in english
Max'ed Axmed
Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us: info@shabelle.net



