Mogadishu 14, May.07 ( Sh.M.Network) Maamulka magaalada Balcad ayaa is hortaagay banaanbax ashtako ah oo ay soo qaban qaabiyeen beesha Moobleen Cismaan oo ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe.
Dibadbaxaan oo ay soo qaban qaabiyeen dadweyne kor u dhaafaya boqolaal ruux oo ka kala yimid tuulooyin dhowr ah oo hoosyimaada degmada Balcad ayaa isku soo baxooda waxa ay ku doonayeen in ay ku soo bandhigtaan cabasho ay ka muujinayaan qaabka loo xulay maamulka gobolka Sh/dhexe.
Dadkii isugu soo baxay deegaanka Qalimoow ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay oo kala eryay ciidamada maamulka degmada Balcad oo u diiday in ay dibadbax sameeyaan.
C/laahi Ugaas Faarax oo ka mid ah Cuqaasha beesha Moobleen Cismaan ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay ishortaagga lagu sameeyay banaanbaxa ay sameeynayeen dadka deegaanka.
" Waxaa nalagu sameeyay ishortaag in aynu soo bandhigno cabashadeena ku aadan qaabka loo xulay maamulka gobolka Sh/dhexe" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ay dhaliilsan yihiin awood qeybsiga xubnaha dowladda KMG ah ee ka soo gaaray beesha Mudulood.
Ma ahan markii ugu horrysay oo ciidamada maamulka degmada Balcad ay ishortaag ku sameeyaan banaanbaxyo laga abaabulayay tuulooyin hoosyimaada degmada Balcad.



