Mogadishu 15, May.07 ( Sh.M.Network) Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay in ergo ka tirsan maamulka Somaliland ay la soo xiriireen dowladda KMG ah si ay uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta Qaran oo dhowaan lagu wado in uu ka dhaco caasimadda Somalia.
Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha, Max'ed Cabdi Xayir Maareeye
Wasiirka oo wareysi siiyay idaacadda shabelle, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka shirka dib u heshiisiinta qaran uu ku bilaabanayo iyo ergooyinka lagu casuumay, waxaana uu sheegay in xiriiro ay la soo sameeyeen isimada iyo boqorro ka soo jeeda W/galbeed isla markaana ay ka codsadeen in ay ka soo qeybgalayaan shirka.
Maareeye waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aan lagu fara galin doonin shirweynaha dib u heshiisiinta, isla markaana ujeedka uu yahay in ay isku yimaadaan qabaa'ilada Somalia.
Waxa uu sheegay in guddiga dib u heshiisiinta qaran ay u madax banaan yihiin shirka dib u heshiisiinta isla markaana aan lagu fara galin doonin.
Maareeye waxa uu sheegay in ergada ka soo qeybgaleysa kulanka ay soo xuli doonaan qabaa'ilada isla markaana kulanka uu ahaan doono mid lagu dhameeyo khilaafaadka soo kala dhex galay qabaa'ilka 16 kii sano ee la soo dhaafay.
Shirka dib u heshiisiinta qaran ee kal hore uu iclaamiyay Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha bisha June ee soo socota.
www.shabelle.net