Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Col.Barre Hiiraale Oo Ay Gelbinayaan Gaadiidka Dagaalka Oo G

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Col.Barre Hiiraale Oo Ay Gelbinayaan Gaadiidka Dagaalka Oo G

Postby Hiiraan boy » Tue May 15, 2007 5:48 am

Col.Barre Hiiraale Oo Ay Gelbinayaan Gaadiidka Dagaalka Oo Gaaray Degmada Baardheere
Warkii 15-May-2007 iyo Qormadii: yaasiin faytin

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada KMG ah ee xilka laga xayuubiyey oo ay gelbinayaan gawaarida dagaalka oo fara badan ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo, xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka jubada hoose.

Col ,Barre Hiiraale oo ay socodkiisa ku wehliyaan kolonyo gawaarida dagaalka ah ayaa xalay fiid horaadkii gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, xilli dhowr cisho ka hor uu xilkii uu hayey dowlada KMG ah ee ahaa wasaarada gaashaandhiga lagaga xayuubiyey wareegto ka soo baxday xafiiska raysal-wasaare geedi



Col. Hiiraale oo aan socdaalkiisa hore u shaacsanayn ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmadaasi si weyn loogu soo dhoweeyey islamrkaana milasyshiyadii iyo gaadiidkii dagaalka ee uu watay la dejiyey sida ay tibaaxayaan wararkaasi xaruntii ciidamada xoogga dalka soomaaliya xiligii dowladii bur-burtay ee 1991



Sidoo kale tegitaanka col,hiiraale ee magaalada baardheere ayaa warar kala duwani kasoo baxayaan oo qaarkood shegayaan inuusan ku qanacsanayn xilka dhowaantan isagoo ku sugan magaalada baydhabo uu ka qaaday raysal-wasaare geedi islamrkaana la sheegay inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta ugu sarsaraysa dowalada KMG ah ee madaxweyne yuusuf iyo raysal-wasaarihiisa geedi .



Wararka ayaa intaas ku daraya in xildhibaan barre hiiraale uu wada tashi la samayn doono odayaasha iyo waxgaradka beesha sadde oo uu kasoo jeedo islamrkaana ay ku lafa guri doonaan xaaladaha siyaasadeed ee isbedeshay, lama oga Col. Barre Hiiraale inuu ku sii nagaan doono iyo in kale magaalada baar -dheere iyo inuu usii socdaali doono magaalada Kismaayo .



Si kastaba ha ahaatee socdaalka Col. Barre aadan shire (barre hiiraale) ee degmada Baardheere ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada kismaanyo ee xarunta gobolka jubada hoose ay isku horfadhiyaan ciidamadii hore looga saray magaladaas ee uu hogaaminayo col,c/risaaq af-guduud iyo weliba milayshiyaad ay isku heyb yihiin barre hiiraale oo gacanta ku haya magaalada kismaanyo



Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

info@afnugaal.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 12 guests