TAARIIKHDA HALGANKII SYL (Tacab, Tacliin iyo difaaca dowladda Federaalka.)
15. Maj 2007
Mudadii uu socday dagaal weynihii labaad ee adduunka waxaa soo ifbaxay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka ee dalalka Africa, Aasiya iyo Laatiin Ameerika, dhamaadkii dagaalkaasna waxaa curtay tabarna yeeshay dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka.
15-kii Maajo 1943-kii oo ku beegneyd dhamaadkii dagaal weynihii labaad ee adduunka ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga aas aasay urur siyaasi ah oo u habeysnaa qaab dhaqdhaqaaq gobonimo doon, kaas oo loo bixiyay ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) ururkaas waxaa aas aasay 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, waxayna magacyadooda kala ahaayeen-
C/qaadir Sakhaawadiin
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake
Sayid Xirsi Nuur
Maxamuud Cusmaan Baarbe
Daahir X Cusmaan Sharmaarke
Xaaji Muxumed Xuseen
Khaliif Hundow Macalim
Muxumed Faarax Hilowle
Muxumed Cabdulle Xayeesi
Cusmaan Geedi Raage
Dheere X Dheere
Muxamed Cali Nuur
Cali Xuseen Cali
Dhalinyaradaas oo ka duuleysay lana jaan qaadayey halganadii dhaqdhaqaaqyada gobonimo doon ee dalal badan oo gumeysi ku jiray. wuxuuna ururkaas lahaa xeer iyo barnaamij uu ku caddaa ujeedooyinka toosan ee SYL u halgameysay.
Waxaa xusid mudan in SYL barnaamijkeeda uu ku qeexnaa ka xorreynta dalka Soomaaliya gumeysiga, midnimada dalka, la dagaalanka qabiilka, qorista farta Soomaaliga, kor u qaadista iyo dhowrista hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo qodobo kale.
Ururka SYL wuxuu mudo yar gudaheed ku faafay oo uu laamo ku kala yeeshay gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna xiriiro iskaashi iyo saaxiibtinimo la sameystay dhaqdhaqaaqyadii asaagiisa ahaa ee gobonimo doonka Afrika, kuwa Carabta iyo qaar ka tirsan xisbiyada siyaasiga ah ee dalalka Yurub.
Bacdamaa baaqii ugu horeeyay ee SYL ay ku qeexneyd midnimada dalka Soomaaliya, iyo la dagaalanka qabyaaladda, ayaa waxaa warqadda aqoonsiga ee ururkaas ku qornaa erayo caddeyn u ahaa arintan, kuwaas oo u qornaa sidan:
“Ururkan kuma jiro kala sooc qabiil iyo dariiqo, hase ahaatee Soomaali oo dhan waa u siman yihiin, waana walaalo”.
Waxaa kale oo ku qornaa warqadaas aqoonsiga ah heestii ay caanka ku aheyd Leegada ee aheyd:
Kani waa ugaas
Kani waa addoon
Waa inaan ilownaa
Soomaaliyeey sare joogsada
Sinnaan baan heleynaa
Sida ari dadkii la ilaalin jiray
Waa ka caqliyeysanee
Heesta iyo erayada ku daabacnaa warqada aqoonsi ee SYL waxay muujinayeen in qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta ay ahaayeen hubka ugu weyn ee Gumeysigu u adeegsado bulshada si uu u wiiqo ujeedooyinkii SYL.
Nasiib wanaag gumeystihii kuma uusan najaxin ujeedooyinkiisii, waxayna Leegadu shacabka gaarsiisay in la helo walaaltinimo iyo maskax ka fayow qabiilka. Markii ay SYL xaqiijisay in shacabka Soomaaliyeed uu ka tegay qabyaaladii iyo kala qeybsanaantii ayey waxay u gudubtay iney si bareer ah uga hortagto Gumeysigii, waxayna SYL horseetay ilaa heer ay dumarka Soomaaliyeed alaabadooda u xaraashaan, dhaqaalaha ay ka helaanna ku taageeraan halgankaas gumeysi la dirirka ahaa.
Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuu kaloo gacan ka heli jiray jaaliyadihii Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Yurub ku noolaa, kuwaas oo xisbiga u sahli jiray in ay ergooyin u dirsadaan shirarka umadaha Midoobay iyo kuwa kale si ay ugu soo sharaxaan Khadiyada gobonimo doon ee dadka Soomaaliyeed.
Qof ka tirsanaa SYL oo magaciisa ku saxiixneyn waraaq la qoray 1945-kii sababo xaga amniga ee waagaas jiray darteed, ayaa warqadaas erayadii ku qornaa ay u dhignaayeen Sidan:.
Kombaanyo (Jaalleyaal), Dow bey igu tahay inaan idiin xusuusiyo, idinkana digo hadeer laga bilaabo ineysan kafaayo aheyn inaan ku hadaaqno xoogaa af Ingiriis ah, af Talyaani ah iyo Carabi, oo aan aqoon is bidno, waxaa loo baahan yahay aqoon dhab ah oo ah hubka ugu weyn ee afafkaas ku dhex jira, waad ila og tihiin sida aan qabo in hadii la doono in la helo hoggaamiye, madax iyo maamuleyaal in loo baahan yahay sannooyin dheer oo waxbarasho.
Halgankii gobonimo doon ee SYL waxaa kale oo aan marnaba la halmaami karin kaalintii firfircooneyd ee fanka iyo suugaanta kaga jireen, waxaana xusid mudan Heesihii, gabayadii, Guurowyadii iyo buraaburadii doorka weyn kaga jiray kicinta qiirada iyo xamaasadi dhiigga wadaninimo ee shacabka Soomaaliyeed.
Xaalka si kastaba ha ahaadee shaki kuma jiro in dhalinyaradii aas aastay SYL ay ahaayeen kuwo ay maskaxdooda ka fiyooweyd cudurka qabiilka ee maanta kala qoqobsanaanta ku beeray dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligan joogta, waxaana ayaandaro ah in dhalinyarada maanta ee Soomaaliya gaar ahaan kuwooda maran habowsan ee xaabada joogtada ah looga dhigay hurinta dagaalada iyo duminta dowladda sharciga ah ay yihiin kuwo uu garaadkooda ka hooseeyo 64 sano kuwii aas aasay ururkii SYL.
Hadaba dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney ku daydaan geesiyaasha SYL oo magacooda iyo taariikhdooda ay ku waari doonto qaluubta dadka Soomaaliyeed oo dhan.
Tacab, Tacliin iyo difaaca dowladda Federaalka.
Waxaa Qoray Maxamed Muxiyaddiin Cali
Tifaftiraha Wargeyska Panorama
mmneero@yahoo.com.au