C/YUSUF OO HAMBALYO U DIRAY DHALLINYARADA IYO SHACABKA SOOMA
Posted: Tue May 15, 2007 1:46 pm
Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG oo Hambalyo u diray dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.
15. Maj 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka Maajo oo ku beegan 64-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, u diray dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkiisa ku yiri "Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hambalyo qiimo badan oo ku aaddan munaasabaddaan u diro shacbiga Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaa nasiib wanaag ah in 64-guurada SYL ay ku soo beegantay xilli ay xukuumadda fedaraalka Soomaaliya gacanta ku wada hayso dalka, iyadoo welina ku hawlan sidii ay u soo celin lahayd amniga iyo kala dambeynta".
"13-kii dhallinyarada ahaa ee aasaasay SYL, waxay ahaayeen waddaniyiin aan abaalkooda Soomaali halmaami doonin, sida ku caddeyd warqadda aqoonsiga ee Xisbigaasna waxay ahaayeen kuwo ka fayow qabiilka iyo kala qeybsanaanta, waxaana dhallinyarada Soomaaliyeed ee xilligan looga baahan yahay inay ku daydaan 13-kaas dhallinyarada ahaa, oo ay qayb ka qaataan nabadeynta, dib u dhiska iyo hawlaha kale ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalkiisa sii raaciyey inuu shacbiga Soomaaliyeed u rajeynayo inay munaasabaddaan teeda kale ku gaaraan nabad, horumar iyo barwaaqo.
Dhinaca kale waxaa gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan xarumaha dowladda KMG ah ee Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtay munaasabado kala duwan oo lagu weyneynayo qiimaha ay 15-ka Maajo u leedahay shacabka Soomaaliyeed, waxaana galabta magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad weyn oo uu ka soo qeybgeli doono wasiirka dhalinyarada iyo Sport-ga Mowliid Macaane Maxamuud iyo xubno kale.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho