Xiriirka K/Koleyga Oo Qabtay Tartan Ciyaareed Lagu Maamuusayay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed 15 May
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07
Waxaa garoonka 1-da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ka dhacday tartan ciyaareed lagu xusaayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May , waxa lagu soo badhigay garoonka ayaa waxaa ka mid ahaa oo wacdaro ay soo bandhigay ardayda dugsiga Jaabir oo sida Ubaxa u tababaran , dhinaca kale ciyaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusaayay K/Koleyga ayaa waxay dhexmartay wiilasha K/Koleyga Heegan vs Jaabir Bin Xayaan waxayna soo bandhigeen labadan kooxood ciyaar aad u sareysay oo ay ku dheehnayd ciyaar wanaag Jaabir ayaa 59-57waxay si dirqi ah ku dhaaftay wiilashii ku ciyaarayay magaca Heegan .
Maadaama ciyaartan lagu xusaayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi ka hadlay G/X/1-aad ee G.O.S Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) ahna Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga ,G/X/Arrimaha Bulshada G/Banaadir Maxamed Cusmaan (Dhagax tuur) Guddoomiyaha G.O.S C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mowliid Macaani Maxamed , waxayna dhamaantood tilmaameen in loo baahan yahay in la weyneeyo maalinta qiimaha badan ee dhallinyarada waxayna kula dardaarmeen dhallinyarada inay ku dadaalaan horumarinta dhinaca isboortiga .
Iyadoo koobkii loogu talagalay Munaasabadan uu bixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen: Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyadoo koobkaasina la guddoonsiiyaya Captan-ka kooxda Jaabir Cusmaan dheere .
Daawashada Ciyaartan waxaa ka soo xaadiray mas`uuliyiin ka tirsan dowladda ,maamulka gobolka Banaadir , G.O.S iyo madax ka tirsan xiriirada hoos yimaada ee isboortiga iyo dadweyne aad u tiro badan oo aad u xiiseeya ciyaaraha wiilasha K/Koleyga.
Somaliweyn Media Center (SMC)



