Warar hoose oo sheegaya in weerarkii Bambaano ee lagu qaaday Ciidamada Yugandha ee Muqdisho ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiyaanka
{Somaaljecel News Network} Muqdisho:- Warar si hoose aan u helnay ayaa sheegaya in qaraxii Bambaano ee shalay lagu qaaday Ciidamada Yugandha ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howl gelaya in ay ka dambeeyeen qaar ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan.
Sida warku sheegayo askarta Itoobiyaanka oo si weyn uga xumaatay askarta Yugandheyska ee sida xorta ah ku dhex marmaraya xaafadaha Muqdisho, iyagoo la sheekeysanaya dadka isla markaana ka qeyb qaadanaya howlaha Muqdisho lagu nadiifinayo iyo howlaha kale ee gargaarka ayaa waxay u adeegsadeen kooxo Soomaali ah oo sida la sheegay ay waxoogaa dhaqaale ah siiyaan kuwaas oo miinada u dhigay Ciidamada Yugandha, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee Ciidamada Yugandha loo dhigo Bambaano dhimasho iyo dhaawac u geystay.
Qaraxa loo geystay ciidamada Yugandha waxaa si weyn uga xumaaday inta badan dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, kuwaasoo howlo u gargaarid ah u sameeya Soomaalida.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay saraakiisha Yugandha, dowladda KMG Soomaaliya iyo Odayaasha Hawiye, waxayna sheegeen inay aad uga xun yihiin falkaas ayna ka dambeeyaan kooxo waxmagarato ah.



