Gaashaanlle sare Axmed Siyaad C/lle oo katirsanaa Ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho.
May-18-2007-HornAfrik, Mogadishu
Gaashaanlle sare axmed siyaad C/lle oo katirsan Ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed ayaa saaka lagu dilay Masjidka xareed ee degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha una xariistee gaashaanlle sare Axmed siyaad C/lle oo katirsanaan jiray Ciidankii xooga dalka ee xukumadii uu hogaaminayey janareel Maxamed Siyaad Barre waxaa nin dablay ah uu maanta galin hore dil toogasho ah uu ugu gaystay agagaarka Masjid weyn ee xareed ee degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Gaashaanlle Sare Axmed Siyaad waxaa uu ka mid ahaa Ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Madaafiicda goobta waxaana in badan uu la soo shaqeeyey dowladdii hore ee uu hogaaminayey Maxamed siyaaad Barre.
Iminka Gaashaalle Axmed Siyaad ma uusan hayn wax xil ah in kastoo sida la sheegayo uu la soo shaqeeyey golihii deegaanka ee Xamar.
13 kii bishaan aanu kujirno ee May ayay ahayd Markii koox dablay ah ay dil u gaysten gudoomiyihii degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Majiraan wax sheeganaya dilalkaan oo u muuqda kuwa qorshaysan ee loo gaysanayo dadka waxtarka u leh Bulshada Soomaaliyeed iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid loo soo qabtay falalkaasi oo dhan.



