Odayaasha Hawiye oo C/llaahi Yuusuf ka dalbaday inuu uga soo jawaabo qoraal ay u gudbiyeen kol hore
Odayaasha beelaha Hawiye ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda federaalka Col. C/llaahi Yuusuf Axmed inuu uga soo jawaabo warqad qoraal aheyd oo ay u gudbiyeen labo todobaad ka hor kaasoo ay ku qornaayeen illaa 31 qodob.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in kulan ay shalay isugu yimaadeen odayaashoodu ay ka soo saareen qodobo u badan sidii ay dowladda wax uga qaban laheyd amni darada sii baaheysa ee ka jirta caasimadda, isagoo sidoo kalena sheegay inay madaxweyne Yuusuf ka codsadeen inuu uga soo jawaabo qoraal ay horey ugu dubiyeen odayaashu oo ka tarjumaya aragtida odayaashaasi iyo xalka Soomaaliya.
Nabadoonka ayaa sheegay in 4 qodob ay soo saareen kuwaasoo kala ahaa:-
1)- Dowladda waxaan ka codsaneynaa inay wax ka qabato cabashada dadka ku dhaqan Huriwaa oo lagu soo rogay Bandow, aan la cayimin xilliga la qaadayo.
2)- Dowladda, waxaan ka codsaneynaa inay ciidamo nabadda si sax ah u suga ay u yeesho suuqa Bakaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka jiraan falal dhac iyo boob ah oo ay ku kacayeen dad xiran dareyska dowladad
3)- Waxaan cambaareyneynaa qaraxyada u badan Miinooyinka oo lagu aaso dhulka, kuwaasoo waxyeelo u geysta shacab aan waxba galabsan
4)- Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha inuu nooga soo jawaabo warqadii aan horey ugu gudbinay
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com




