Cumar Xaashi “C/llaahi Yuusuf haddii uu Itoobiyaan yahay ha
Posted: Sun May 20, 2007 5:37 am
Cumar Xaashi “C/llaahi Yuusuf haddii uu Itoobiyaan yahay ha raaco, Soomaaliduna shirka ha isugu timaado”
Eretreya:- Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah xildhibaanadii xilka ay ka qaadday dowladda KMG ee ku sugan dalka Eretreya ayaa sheegay in haddii la doonayo in xal loo helo Soomaaliya ay tahay in meesha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya kadibna ay Soomaalidu isu timaado.
Cumar Xaashi waxa uu sheegay in wax aan la qaadan karin ay tahay in shir lagu qabto Muqdisho iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.
“C/llaahi Yuusuf haddii uu diidan yahay in Itoobiyaanku Soomaaliya ka baxaan oo uu isku ilaalinayo waa Itoobiyaan ee isagu Itoobiya ha raaco, Soomaaliduna shir ha qabsato oo aayaheeda iyo mustaqbalkeed ahaka shirto” ayuu yiri Cumar Xaashi oo intaa ku daray in aysan jirin farqi weyn oo u dhexeeya Soomaalida, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaalidu ay dhamaysan karto wixii khilaaf ah ee u dhexeeyay.