Bayaan ay soo dhigeen barta Internet-ka kooxda Shabaab ayay ku sheegteen in ay dileen generalka horkacaya ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan gudaha dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Bayaankaasi ayaa kooxdaasi waxaa ay ku sheegtay in duqeyn ay u geystay bilihii hore xarunta madaxtooyo Villa Somaliya uu dhawac kasoo gaaray Generalkaasi isla markaana dhaawac ahaan loogu qaaday dalkiisa.
Warka kasoo baxay kooxda ayaa intaasi ku daray in General Gabre uu maalmo dhaw u geeriyooday dhaawacaasi kasoo gaaray hoobiye ay ku garaaceen xarunta Villa Somaliya.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin karaya sheegashada kooxdaasi ee dilka General Gabre,ilaa iminkana wax hadal ah kama soo bixin dhinaca dowladda Ethiopia.




