I know this old man.
U Hanqaltaag Hadimo
Maansadan waxa la yidhaahdaa U Halqal Taag Hadimo. Waxa ay soo baxday May 19, 2007. Waxa ay jawaab u tahay maanso uu curiyay Ibraahin Hawd oo bilow u noqotay silsiladda loogu magac daray Haan ama Heeryo oo weli socota. Ibraahin waa nin aanan aqoon u lahayn, hayeeshee aan qoraaladiisa ku iqiin afkaar Soomaalinimo. Waxa maansadiisu hadda i gelisay tuhun ah in Ibraahin u xuubsiiban rabo in uu noqdo Dagaal Ooge. Taas oo aan jecelahay in aan ka horjoogsado. Maansadiina waxay tidhi:
Nin hamiyey habeenkii
Hurdadana ka haayiray
Hugun iyo ishiif galay
Halkuu talo ku soo hooyo
Waa hadaf u dhaabada
Hilinkuu ku toosana
Waa hogaamin naartii
Haawiya rabbi u diray
Ama waa hanuun Eebbe
Janno hoyga uga dhigay
Dadkuna ku haaraamo
Ama ku hambalyeeyaan
Hawdow walaal heedhe
Somaali weyn ku hirad kii
Suugaan kala hufkaagii
Maqaallo wacan habayntii
Idaajaa u hanjabkaagii
Ma haatanaad habowdoo
Colaad aad humaysiyo
Sidii jabhadihii hore
Hiyi kicisay shacabkoo
Maanso haw la soo tidhi?
Ma dabkii hurayaad
Soddon sano holcaayaad
Markuu hoos u soo dhacay
Halaskiyo dhuxuluhii
Soo hullaaqin doontaa?
Hawdow walaal heedhe
Waadigan hub qaadaye
Maal iyo naftaba hurayee
Dadba hadduu heddaa yahay
Oo hayb midkii kuu xigay
Aad hadhide halaag leeyahay
Yaad ugu horraynoo
Hootadu ku dhacaysaa?
Ma Riyaalahan halyayga ahee
Hawd iyo waqooyiyo
dhammaan dhulka wada hantiyo raba
Yaad hor istaagi doontaa?
Ma axmaarkan hiilkiis
Loo kala hormarayee
Kii soo haaban waayana
Haadu ay ku dhacaysaad
Kula haliili doontaa?
Ma qaarkeer u hamuun qaba
Kursigaas hankaabkiis
Ina hebel Waraabiyo
siilaanyahan hingilan cadho
Ayaad Ku halaag isleedahay?
Ma Hartigan hurdada dheer
Hebidnimo daraadeed
Habqankoodu kala lumay
Guluf lagu hogaan baro
Ku hillaacin doontaa?
Mise diin hub wadatoo
Dhul fog laga hoganshoo
Mooryaan loo hadoodilay
Hud hud iyo qabyaaladi
Hoosta ka xukumaysoo
Dadba aan hambaynayn
U hogaansan tahayoo
Hoobiyaha la ridaysaa?
Mise heegan baad kicinoo
Hawiyahan is jaray baad
Hiil qaar u geliyoo
Habar Gidirta Cayr baad
Ku hagoogan doontaa?
Adduunyadan halaagane
Dadba heegan ugu jiro
Nafta la harjadkeedii
Qof kastoo dab hurin iyo
Hadimiyo dhib soo wada
Waa horror ibliisoo
Na hanuunsan maayaan
Hawdow walaal heedhe
Hawlaha dhabta ah weli
Hoos uguma daadegin
Ha yeeshee wixii hadhay
Heestu nooma fiicnee
Sidii hanadaddii hore
Gabay loo horseediyo
Hadhow baan la sugayaa



