HAMBALYO
Ururka Hawiye action group(HAG) wuxuu halkaan hambalyo iyo bogaadin uga Soo gudbinaayaa xuska iyo dabaaldegga 16 guurada ka soo wareegtay gooni Iskutaagii somaliland ,taasoo si ay uga bad baadaan bur burkii iyo habowgii ku dhacay dalkii soomaaliya iyo in aanay mar kale dhibaatooyinkii iyo xasuuqii foosha xumaa ee loogeystay aysan dib dambe ugu dhicin ay go'aan sadeen in ay gooni isu taagaan.
ururka HAG wuxuu ka dalbaayaa in caalamku tixgaliyo codsigooda kuna taageero somaliland sidii ay suurto gal u noqon lahayd in somaliland ay uga mid noqon lahayd dowladaha caalamka kursi buuxana ku leh qaramada midoobay (United Nations).
Ururka HAG wuxuu salaan qaali ah ugu soo gudbinaayaa madaxweynaha dowladda,baarlamaanka,xisbiyada,golahaguurtida iyo dhamaan shacabka somaliland ee aan wallaalaha nahay,in ay ciidaan ciideeda aan ku wada dabaal degno somaliland oo dowlad xor ah iyo soomaaliya oo dib u xorowday oo laba dal ah.
Hawiye Acton Group Mr. Liban Gabayre. Executive Director.
hawiyeactiongroup@yahoo.ca