Afgaduud: Barre hiraale is to blaim over the Kismaayo Crisis
Posted: Wed May 23, 2007 6:10 am
Taliyihii Ciidamada guutada 1aad C/risaaq Afgaduud oo xilkii laga qaaday.
MudugNet, Muqdisho. Talaado, May 22, 2007.
Taliyaha guutada 1ad ee ciidamada xoogga dowladda Kmg Cornel C/risaaq Afgaduud ayaa xilka qaadis lagu sameeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dagaaladii ka dhacay ka dhacay Magaalada Kismaayo, ee dhex maray maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha Mariixaan iyo majeerteen.
Cornel C/risaaq Afgaduud ayaa sheegay inuu u hogansami doono xil ka qaadista lagu sameeyay,isagoo ku gacanseyray edeymaha sheegaya inuu mas’uul ka ahaa dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo.
Cornel C/risaaq Afgaduud oo ku sugan tulada Buulo-Guduud oo ku taala Duleedka magaalada Kismaayo inuu ka tagi doono halkaasi,isagoo ku wajahan magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.
C/risaaq Afguduud ayaa ku Edeeyay xildhibaan Barre Aden shir barre hiiraalle inuu mas’uul ka yahay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo,isla markaana uu soo abaabulay maleeshiyo beeleedka qabsaday magaalada Kismaayo.
Barre Hiiraalle waligiisa ma taageersaneyn Dowladda mucaarad ayuu ku ahaa Dowladd kmg,isaga ayaan ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay kismaayo ayuu yiri Cornel Afguduud.
Xil ka qaadista lagu sameeyay taliyaha Guuto 1aad ee ciidamada xoogga ayaa ku soo beegantay,iyadoo aan wali xal laga gaarin dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo ee dibada magaalada looga soo saaray ciidamadii uu madaxda u ahaa Cornel Afguduud.
Mudugnet-news