Ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay 10 kamid ah 17 nin oo burcad ah ciidankuna ay ku raad joogeen.
Qabashadan ayaa waxaa gacan ka geystey ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee magaalada Kismaayo, kadib markii raggaasi ay caadeysteen in ay dadka rayidka ah dhac u geystaan.
Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay hawlgalo kale samaynayaan magaalada Jilib halkaas oo laga soo sheegay burcad dhac joogto ah ku hasa dadka rayidka ah.
Leyla Shiikh Aadan
SBC Kismaayo



