Odoyaasha beelaha Hawiye oo u jawaabay hadalkii Max'ed Dheere.
May 23, 2007 (HawiyeNews.com) — Afhayeenka odoyaasha beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Caliayaa u jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray Max'ed Dheere waxuuna ku tilmaamay mid la iska yiri oo uusan ku habooneen mas'uul xilkaasi oo kale haya inuu ku dhawaaqo.
“Max'ed Dheere horey ayuu caan ugu ahaa inuu iska yiraah waxuusan la socon, beelaha Hawiye nabada Muqdisho iyagaa hada ka shaqeynaya, qaraxyada dhacayana wax lug ah kuma lahan” ayuu yiri Diiriye.
Axmd Diiriye waxuu tibaaxay inay iyaga mar walba ka xun yihiin qaraxyada iyo dhamaan dhibaatooynka ka jira guud ahaan dalka Somalia , isla markaana ay horey u cambaareeyeen mantana ay cambaareynayaan.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa shalay weerara Muqdisho ka dhaca ku odoyaasha beelaha Hawiye.
Maxamad Dheere ayaa waxaa uu tilmaamay in ay galeen kooxihii kula dagaalamay Muqdisho suuqa Bakaraha, halkaasna ay kasoo abaabulaan qaraxyada ka dhacaya magalaada, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Email: hawiyenews@gmail.com




