Gudoomiyaha Gulaha Guurtida Mudane Saleeban Maxmoud Adan, speaks out.....
Hargeysa(HWN):-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay dib u cusboonaysiiyey qaraar labada gole ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] Somaliland ka soo saareen shirarka Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo dadka reer Somaliland ee ka qaybgala sannadkii 2003.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan maxamuud Aadan oo ka hadlayey fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo lagaga dooday mawqifka dawlada ee ku wajahan shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya."Waxa soconaya xarakado odhanaysa Somaliland habkay doontaba ha ugu jirtee wey ka soo qeyb galaysaa shirka dib u heshiisiinta koonfurta Soomaaliya, aakhirkii reer bay gaadhay, inay tahay gaar ha loo doono reer Somaliland qabaa'il ku jira iyo inay tahay tii ay wax ku qeybsan jireen ee ahayd afartii iyo nuskii ( 4.5), waxad moodaa in kalsooni tii hore ka badan la inaga raadinayo, xeeladahaa waxaad moodaa inay ugu badan tahay aan qabiil ku doono, Shirar yaryar oo goos goos ahina wey inna dhex socdaan, kollay tab iyo xeeladoba wey innagu soo jeedaan buu tuhunku yahay" ayuu yidhi
Waxana uu sheegay in arrintu u badan tahay in dadka shirkaa wadaa ay go'aansadeen in "Qabiil" lagu doono reer Somaliland, waxana uu xusay in ay durba Somaliland soo galeen shirar yaryar oo ka socda gudaha Somaliland.
Sidaa darteed, waxa uu golaha u soo jeediyey inuu go'aan iyo baaq ka soo saaro arrintaas, isaga oo xusay in soo jeedinta hore ay ku jirtey in la cusboonaysiiyo qaraarkii hore looga soo saaray ka qaybgalka shirarka Soomaaliya. Waxa kale oo uu ku taliyey in baaq digniin ah oo ku socda beesha caalamka la raaciyo qaraarkaas.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi"Dowladahaas waaweyn inagu xoog kuma riixi karnee ... burburkii hore Soomaaliya u qabsaday iyo taa aad dhisaysaan ayuun baad tanna la doonaysaan, in digniintaasina ay meesha raacdo, "
Gudoomiyaha oo daba socday warar maalmihii la soo dhaafay ku soo baxayey warbaahinta ayaa ku tilmaamay shakhsi kasta oo ka qeyb gasha ama taageerta wada hadalada Soomaaliya dambiile ku kacay khiyaamo qaran, waxaanu mudanayaasha u soo jeediyey inay xoojiyaan go'aankii ay goleyaasha qaranku ka soo saareen arrimahaas ee xaaraantimeynayey ka qeybka shirar siyaasadeed oo ka soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland.
Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa fadhigaa dood kaga yeeshay yeeshay xaaladaha siyaasadeed ee ku xeeran dalka, saameynta ay Somaliland ku yeelan karto iyo siyaabaha looga hortegi karo dhibaato kasta oo ka iman karta, waxanay isla qaateen in aanu shirka uu ku baaqay maamulka Cabdillaahi Yuusuf aanu khuseyn Somaliland balse uu yahay mid yaalla koonfurta Soomaaliya, waxanay soo jeediyeen in sharciga lala tiigsado ciddii ka qeyb gasha shirkaa eek u abtirsata Somaliland.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa cod geliyey in la cusboonaysiiyo go'aankii hore uga gudbay saddexda gole qaran iyo in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo go'aankaas.
42 Mudane oo ka soo qeyb galay fadhigii shalay ee Golaha waxa oggolaaday in go'aankii hore la ayido 40 Mudane, waxa diiday 1Mudane, waxa ka aamusay 1Mudane Gudoomiyuhuna muu codeyn.
Weriye, Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail,
janaale94@yahoo.com 