Baarlamanka KMG iyo guddiga dib u heshiisiinta oo is khilaafay.
Mogadishu - 24-may-2007-Allceeldheer.com Waxaa si weyn u soo shaaca baxay khilaaf u dhaxeeya gudiga dib'uheshiisinta qaran ee uu madaxda u yahay Cali Mahdi Maxamed iyo Gudiga Baarlamanka u xilsaaray dib'uheshiisiinta.
qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamanka ayaa ku dooday in Gudiga uu madaxda u yahay Cali Mahdi Maxamed howshooda ay tahay oo kaliya qaban qaabada iyo gudoominta shirka,balse shir uu yahay mid uu hagi doono Gudiga dib'uheshiisiinta Baarlamanka.
Gudoomiyaha gudiga shirka dib'uheshiisiinta Qaran Cali Mahdi ayaa horay u sheegay inuu shirka ka madaxbanaan yahay dowladda Kmg,balse khilaafkan soo ifbaxay ayaa muujinaya in dowladda Kmg ay dooneyso iney hogaamiso shirka.
Dhinaca kale waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid kulan baarlamanka Kmg uu ku ansixin lahaa sharciga dib'uheshiisiinta qaran sababo la xiriira,markii kulanka ay soo xaadiri waayeen Mudanaasha ka soo horjeeda Gudiga uu madaxda u yahay Cali Mahdi Maxamed.



