Dagaal ka dhacay duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxihii dagaalamayay
Dagaal laba malleeshiyo ku dhex maray duleedka Degmd Baydhabo ee Gobolk Bay ayaa sababay dhimashada 1-qof iyo dhaawaca 3-qoof oo kale oo dhammaantood ka mid ahaa maleeshiyooyinkii dagaalku uu dhex marayay oo isku haystay dhul.
Iska horimaadaan ayaa wuxuu salka ku hayaa is qabqabsi dhul iyo boosas ku yaalla goobta uu maanta dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu soo jiitamayay isku haysadka beelaha ay ka soo jeedaan kooxahaan maanta uu dagaalku dhex maray muddo dhowr sano ah.
Dadka uu dhaawaca soo gaaray ayaa lagu daweynayaan Isbitaalka Magaalada Baydhabo iyadoo dirirtiina la hakiyay, kaddib markii la geeyay halka dagaalku ka dhacay ciidammo Booliis ah oo ka tagay Degmada Baydhabo.
Xaaladda Deegaankii ay maleeshiyooyinku ku dagaalameen oo ah agagaarka Dugsiga Sare ee Model ee ku yaalla duleedka Baydhabo, waxaana goobtaas hadda ku sugan sida wararka ka imaanaya ay sheegayaan ciidammo ka tirsan booliiska Baydhabo.
Ciidammada Booliiska ee ku sugan aagga laug dagaalamay ayaa waxaa la sheegay inay xirxireen ku dhawaad 8-rux oo isugu jira odayaal iyo malaaqyo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshadaha sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay duleedka Baydhabo.
Maamulka Degmada Baydhabo iyo Kan Gobolka ayaan illaa iyo hadda ka hadlin rabshadaha ka dhacay duleedka Baydhabo ee sababay dhimashad iyo dhaawaca gaaraya illaa 4-ta qofood oo mid ka mid ah uu ku dhintay dagaalka.
Bartamaha bishaan ayay ahayd markii lagu dhaawacay is rasaaseyn aan xoog badnayd oo dhex martay kooxaha maanta uu dagaalka dhex maray taasoo uu ku dhaawacmay Malaaq Sheekh C/llaahi Mad-Nuur oo halkaas dhexdhexaadin u joogay.
Cabdishakuur Cilmi Xasan
abdishakuurelmi@hotmail.com