K/xigeenada maamulka gobolka Banadir oo ka badbaaday Qarax lala beegsaday
Click here to find shabelle news in english
Mogadishu 26, May.07 ( Sh.M.Network) K/xigeenada Maamulka Gobolka Banadir, C/fitaax Shaaweeye iyo Max'ed Cismaan dhagaxtuur ayaa saakay ka badbaaday isku day dil ka dib markii qarax xoogan lala beegsaday koloyo ay wateen oo marayay wadada Ex Ctrl Balcad ee magaalada Muqdisho.
Sida uu warbaahinta u sheegay C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo ah K/xigeenka maamulka gobolka Banadir ee dhinaca nabadgalyada, Qarax xoogan oo lala beegsaday Kolonyo ay wateen isaga iyo Max'ed Cismaan Dhagaxtuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo ka mid aheyd ilaaladii la socotey.
Weerarkaan ay ka badbaadeen K/xigeenada Max'ed Dheere ayaa waxaa ku nafwaayay wiil yar oo caseeye ah oo marayay wadadaasi.
C/fitaax Shaaweeye waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa Miino laga hagayay Romote ka oo lala beegsaday kolonyadii ay wateen, isagoo tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii falkaasi ka dambeeyay ee hagayay Remote ka.
" Waanu ka badbaadnay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan oo la doonayo in nagulu qaarjiyo" Ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo dhowaan dowladda KMG ah ay u magacowday booskii uu ka geeriyooday Aaabihii Ibraahiim Shaaweey oo ku geeriyooday magaalada Nairobi halkaasi oo dhaawac ahaan loogu daweynayay ka dib markii qarax lagu weeraray kolonyo uu watay horraantii sanadkaan agagaarka isgoyska Xararyaale ee Muqdisho.
Isku daygaan dil ay ka badbaadeen K/xigeenada Maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ay la wareegeen ciidamo boolis ah, iyadoo qaraxaana uu noqonayo kii 3aad oo ka dhaca caasimadda 24 kii saac ee la soo dhaafay.
Horey ayaa waxaa isku day dil oo qarax ah waxaa ka badbaaday Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Dheere.



