Dowladda KMG Soomaaliya oo ogolaatay inay Itoobiya ku taageerto markeeda ciidamo la dagalama Eretreya
{Somaaljecel News Network} Muqdisho:- Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay ilo ku dhow dhow madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan xalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Ra’isal wasaarihiisa Geeddi iyo wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Siyouim Musfin ay isku afgarteen in dowladda KMG Soomaaliya ay markeeda gacan siiso dowladda Itoobiya oo qorsheynaysa in dhawaan dagaal ay la gasho xukumadda Eretreya.
Sida warku sheegayo Sioyum Musvin ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya in ay markeeda ku taageero siiso Itoobiya dagaal lagu wado inuu ka dhex bilowdo Itoobiya iyo Eretreya, iyadoo xiisadda dagaalkaasi ay mareyso meeshii ugu xumeyd, lagana cabsi qabo in dhawaan labadaasi dowladood uu dagaal ka dhex qarxo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda KMG ay bilowday inay aruuriso ciidamada Milateriga oo dhawaan la filayo in loo qaado dalka Itoobiya, halka wararka qaar ay sheegayaan in ciidamo tababar u joogay dalka Itoobiya lagu biiriyey Ciidamo Itoobiyaan ah oo u jiheysan




