http://waagacusub.com/dahabshiil%20oo%20qaybisay.htm
Xawaaladda Dahabshiil ayaa kaalmooyin kala duwan oo gaadiid lgu daabulay gaarsiisay dadka ka barakacay Muqdisho ee ku nool daafta Jaamacadda Lafoole ilaa degaanka Afgooye.
Dahabshiil kaalmooyinka ay bixisay waxaa ka mida bacaha roobabka looga gaashaanto,cunto iyo biyoon ,iyadoo Qoysaska Caruurta yar yar lehna siisay Joodariyaal iyo nuucyada kale ee ku dhisan nolosha Caruurta.
Deeqaha Xawaaladda Dahabshiil ee dadka barakacay waxaa degaanadii loogu tala galay ka qaybiyay Haweenka Horseedka Nabada iyo Gudigga Samafalka Waagacusub,iyagoo u maray qaab nidaamsan oo la xiriiray gudiyo ay iska soo xuleen dadka barakacay.
Haweenka horseedka Nabada ee ka qaybqaatay qaybinta kaalmooyinka Dahabshiil Bank waxaa ka soo dhex muuqday Maama Xakiima iyo Madiino Jeneral .
Muqdisho waxaa ka barakacay kumanaan qoys oo ku dacdareeysan daafaha Magaalada halka qaar kale oo badana ay ku nool yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa .
Shirkadaha waaweyn ee ka jira Muqdisho ayaa lagu dhaliilaa inay ka gaabsadeen u gurmashada Shacabka,waxayna Dahabshiil noqoneeysaa Shirkadii ugu horeysay ee kaalmadii ugu balaarneed u fidiso Shacabka la barakiciyay ee dacdareeysan,lana tiicaya xanuunyadda iyo gaajada isu biirsaday.





