Taliyaha cusub ee ciidamada Gobolka hiiraan ay dhawaan u soo magacowday gobolka Hiiran Col. Maxamed Axmed Xubeero
Somaliweyn Media Center (SMC) Jowhar 27/05/07
Taliyaha cusub ee ciidamada Gobolka hiiraan ay dhawaan u soo magacowday gobolka Hiiran Col. Maxamed Axmed Xubeero ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu shaaca kaga qaaday in laga guuro xeryihii ciidamada oo ay degaan yihiin dadka ku barakacay dalka gudihiisa.
Col. Xubeero ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga raro dadka rayidka ah xerada ciidan sida xerada lama galaay halkaasi oo ay deggan yihiin boqolaal qoys oo ku barakacy dalka gudihiisa.
Taliyaha ciidamada ee gobolka hiiraan ayaa waxa uu wada tan iyo intii uu soo gaaray magaalada baledweyne kuluma isdaba jog ah oo uu la yeelanyo mamulka gobolka hiiraan.
Sidoo kale col. Xubeero waxa uu xusay in cidamadii amaanka ee gobolka hiiraan ay diyaar yihiin islamarkaana ay marka hore muhim tahay in la diyaariyo xerooyinkii ay degi lahaayeen halkaasoo ay iminka ku sugan yihiin dad dan yar ah oo qaxooti ah.
Dadka soo barkacay ee ku nool xerada lama galaay ayaa waxa walaac xoogan ka muujinayaan arimahan uu soo saaray taliyaha ciidamada amaanka ee gobolka hiiraan iyagoo sheegay inaysan heysan meel ay degaan islamarkaana degaanadoodi ay ugu soo carareen dagaalo.
Waa talaabadii ugu horeysay ee uu qaado taliyaha cusub tan iyo goor dhaweyd markii ay DFKMG ah ay u soo magacowday inuu noqdo taliyaha ciidaamada ee gobolka hiiraan.
Somaliweyn Media Center (SMC)



