Qaar kamid ah Ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la arkay iyagoo xaflado dhiganaya iyagoo talaabadaasi ku micneeyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalada ay Somaliya ka galeen.
Qaar kamid ah Ciidamadaasi ayaa sheegay in ay u riyaaqeen dalka Somaliya in ay ka xoreeyeen waxa ay ku sheegeen kooxo Xagjiro ah oo caqabad ku ahaa horumarka shacbiga Somaliyeed.
Mid kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo alaabo ganacsi oo lagu maamuso xaflada ka iibiyay Ciidamadaasi aya Markacadey.net u sheegay in Ciidmaada Ethiopian-ka ay ku wargaliyeen arrinkaasi.
Waxaa ay qaateen alaabaha lesku carfiyo cabitaano iyo shoobin si markaasi ay farxadda u muujiyen ayuu ii sheegay ganacsadahaasi oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
Xafaldahaasi ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada Ethiopian-ka ay fariisimo ka dhigteen goobihii ay sheegi jireen in ay xarumo u yihiin kooxaha wax iska caabinta sida Warshadda baastada iyo wadada Warshadaha.



