sacad sarkaal killed in muqdisho and saleebaan kill 3 sacads in gelinsoor
Kooxo hubaysan ayaa degaanka huriwaa ku dilay Oorfane Shiikh Maxamud Jimcaale dhalac oo ka mid ahaa Nabadsugidii hore ee dalka Soomaaliya
Marxuum Oorfane oo u dhashay beesha Sacad ayaan la ogayn sababaha loo dilay laakiin ila xog ogaala ayaa falkaas la xiriirshay tuhun laga qabo inuu la shaqeeynayay dowlada federalka.ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay Taliyaha boliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa tagay meeshii lagu dilay Sarkaalkaas laakiin wali ma jiraan dad loo qabtay dilka sarkaalkaas nabadsugida ah..
Bahda Waagacusub ayaa tacsi u direeyso dhamaan ehelada iyo qaraabada uu ka tagay Marxuum Oorfaane Sheekh Maxamud Jimcaale dhalac.
Dhinaca kale dableey hubaysan oo la sheegay inay ka soo jeedaan degaanka Cadaadoa ayaa duleedka Gelinsoor ku dilay sedex nin oo u dhashay beesha Sacad ,waxay sidoo kale dhaawaceen laba kale iyo haweeneey.
Weerarkaas oo ahaa mid gaadma ah ayaa la sheegay inuu salka ku hayay dableey u dhalatay beesha Sacad oo todobaadkaan nin u dhashay degaanka cadaado gaadmo ku dilay sida uu Waagacusub u sheegay nin degaankaas ku sugan oo diiday in la magacaabo.



