Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

North Somalia 1988

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

North Somalia 1988

Postby Adan_1 » Wed May 30, 2007 6:54 am

Waraysigaasi markii uu dhammaaday kadibna, waxay Idaacaddu sheegtay war degdeg ah oo ay sheegtay in Guddoomiyaha SNM, Axmed Silaanyo oo markaa joogey London, dalka Ingiriisku uu u sheegay in Ciidamada SNM ay gacanta ku dhigeen magaalada Hargeysa, Salaasadii, iyada oo sida muuqata Waraysigan ay ku baahisey BBCdu barnaamujkeedii Caanka ahaa ee Toddobaadka iyo Afrika oo ka bixi jirey idaacadda Arbaca kasta.

Haddaba, waraysigaas oo uu soo helay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu u dhacay sidan:

S> Goormaad qabsateen magaalada Burco, Sidee ayaadse u qabsateen?

J> Horta magaalada 29-kii Bisha lama qabsan ee bisha 28-keedii ayaa si buuxda loo qabsaday. Duulaanku wuxuu ku dhacay muddo badanba SNM waa tii u dagaalamaysay urur xornimo doon ah oo dalka gudihiisa ka dagaalamayay, muddo badana diyaar garaw ayay ku jireen ciidamada dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed (SNM), markaas wakhtigii ay noola muuqatay inay fursadu ahayd ayaa dagaal kedis ah oo shacbiweynuhu taageersanyahay lagu qaaday dhinacyo badan oo wadanka ka mid ah oo aaggaas waqooyi ka mid yahay, islamarkiibana waxa lagu qabsaday magaalada Burco.

S> Magalooyin kale miyaad weerarteen oo aad qabsateen mise waa Burco oo qudha?

J> Magaalooyin badan ayaa la weeraray, ilaa imikana meelo badan ayuu dagaalku ka socdaa, meelaha la qabsaday ee aanu warkooda hayno waxa ka mid ah Cadaadlay, deegaanka Gabiley oo meelo badan laga xoreeyay, tuulooyink hawdka ah oo shacbigu gacantiisa ku xoraystay sida Oodweyne iyo meelo badan oo baadiyaha ah.

S> Maalintii Isniintii hadal aad magaalada London ka soo saarteen waxaad ku sheegteen inaad Magaalada Sheekh qabsateen. Sheikh ma ku jirtaa magaalooyinka aad qabsateen?

J> Dabcan magaalada Sheekh anigu saacadaas aan fadhiyo ma hubo, laakiin waxaan ogahay inay dagaalo badani ka socdeen kana dhaceen Berbera iyo Sheekh dhexdooda, oo ciidankii dawlad isku sheegta meesha jooga lagu jebiyay, Burcana maadaama la haysto Sheekh waxaanu u qaadanaynaa inay ka mid tahay goobaha xoroobay.

S> Ciidamada SNM ee Burco weerarka ku qaaday tiradoodu intee bay leekaayeen?

J> Ciidamadaasi ciidamo aan yarayn ayay ahaayeen. Waa ciidamada suurto geliyay magaaladaas Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dhinaca waqooyi ee dalka Somaliyeed oo ciidan lixaad lihi uu degenaa. Hawlyarida lagu qabsan karaa labadaba way muujinaysaa, in xoog iyo niyad lagu galayna way muujinaysaa, inaan ciidamada halkaas joogay ee dawlad ku sheegta ka tirsanaana inaanay tamaro badan lahayn way muujinaysaa.

S> Markaas ma kun, laba kun, saddex kun imisa ayaad ku qiyaasi karaysaa ciidamadaas SNM?

J> Tirooyinkooda inaan idhaahdo waa intaas dooni maayo, shacbi dhan ayaa ka qayb galay, umad dhan ayaa meel waba kaga soo gurmatay, markaas ciidamo aan tiradoodu yarayn oo aad u faro badan weeye.

S> Shacabka magaalada Burco degen ee rayidka ahi miyay ka qayb galleen dagaalka ciidamadiinu qaadeen?

J> Magaalada Badhankteeda la iskuma qabsan ee meelaha la abaarayay waxay ahaayeen goobihii ay ciidamadu degenaayeen, waxa qudha ee dhacay waxay ahayd markii meesha laga qabsaday inuu isagu diyaarado soo diray oo ciidamada dawlad ku sheegtu soo direen, oo ay magaaladii garaaceen dad badan oo shicib iyo daaro ahna ay wax ku yeeleen, laakiin magaalada gudaheeda dagaal ka dhacay ma jiro.

S> Labadaas diyaradoodna waad soo rideen, sida aad ku sheegteen hadalkii aad Isniintii soo saarteen?

J> Labadii diyaaradoodba midna Burco ayaa lagu soo diray, tii kalena dhaawaceedii Hargeysa ayuu ku dhacay.

S> Ciidamada Somalida qiyaastii imisaa ka dhintay oo aad dagaalkaas Burco kaga dhisheen?

J> Tirooyinkaas tiro aanu annagu odhanayno intaas ayaa la dilay run ahaantii ma jirto, waase jirtaa oo dagaal ayaa meesha ka dhacay. Ciidamadoodu waxay u qaybsameen wax is dhiibay, wax la saftay ciidamada SNM iyo wax firxaday.

S> Ciidamadiinii imisa ayaa ka dhintay?

J> Ciidamadayada waxa ka dhintay lix, 17-na dhaawac ayay noqotay.

S> Wararka Muqdisho ka imanayaa waxay sheegayaan in 600-800 oo ciidamadiini ahi dagaalkaas ka qayb galleen midna aanu ka noqon?

J> Ciidamayadii Burco way haystaan, calankii SNM ayaana maanta Burco ka taagan, sidaan shalayba idhina imikana waanu cadaynaynaa haddii ciidamada dawladda Somaliyeed ogolyihiin taga berito.

S> Warar na soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in markii ciidamadii SNM Burco galeen, inay dadkii rayidka ahaa ee magaalada deggenaa siiba dadkii rayidka ahaa ee gobolada kale ka yimid inta ay ururiyeen oo ay meel isugu keeneen oo ay laayeen?

J> Arrintaas wax alla wax ka jiraa ma jiro haba yaraate. Ummadu inay kacdo oo xaqeedii doonato oo dagaalka halka ay joogaan ka huriyaan oo ku gadoodaan oo ay imikaba jirto in ciidamadii gadoodeen, dadka aad sheegayso cid kasta ha ahaadeene way la safteen oo umadda ayay ka mid ahaayeen way raaceen oo ciidamadii SNM ayay raaceen.

Haddii shacbiga wax soo gaadheenba cidda ilaalinaysay waxay ahayd SNM iyo shacbigooda. Waxa soo gaadhay waa diyaaradii rushaysay ee bamamka ku riday. Iintaasna ciidamada Siyaad Barre ayaa gaystay, imikana waxay u soo hanqal taagayaan ee ay wadaan waxa weeye inay shacbiga reer miyiga iyo magaalka leh inay rusheeyaan iyaga oo u marmarsoonaya inay dadka cidhib tiraan, iyagaa qabyaalad ku shaqeeya, iyagaa noocaas ku shaqeeya iyagaa gobolaysi ku shaqeeya ee SNM siyaasadeedana maaha ee waxa weeye wax xalaal ah oo umadda Somaliyeed ka dhexeeya oo ay ku dheehantahay walaaltinimo iyo wadaninimo.

S> Axmed Silaanyo, tallabaada kale ee taas ku xigta aad qaadanaysaan maxay tahay?

J> Tallaabada kale ee taas ku xigta ee aanu qaadaynaa waxa weeye inaanu dhulka intii kale ee aanu ka xorayn karno ka xorayno nidaamkaas faashiga ah ee dalka ka dhisan. Meelo badan ayuu dagaalkii ka socdaa, Hargeysa waa ka socdaa, magaalooyin kale waa ka taaganyahay.

Waxaanan ku rajo weynahay inaanu meelo badan oo dalka ka mid ah xorayno dabadeedna halkaas ka sii wadno ilaa dalka Somaliyeed xoroobo.

S> Dhulkee weeye dhulka aad leedihiin waanu xoraynaynaa?

J> Sida Distoorkayagu dhigayo waxaanu nahay umadda Somaliyeed, dalkayagii Somali la odhan jiray weeye dalka aanu xoraynaynaa.

S> Ee gobolada Waqooyi maaha?

J> Goboladu waqooyiga dalka Somaliyeed ayay ka mid yihiin, waanan xoraynaynaa gobolada kale waana la gaadhi doonaa ama imikaba hawshu way ku socotaa.

Dhinaca kale Md. Axmed Maxamed Silaanyo oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa warsaxaafadeed uu shalay magaalada Hargeysa ka soo saaray waxa uu shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyay sannad guurada 19aad ee ka soo wareegtay maalmahaas 27 May iyo 31 May oo ku suntan halgankii SNM.


Wargeyska Geeska Afrika.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 58 guests