Good for the Hawiye Elders:
Odayaasha beelaha Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo Dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo aqoonyahanda.
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 30, 2007.
Kulan maanta magaalada muqdisho ku yeesheen Odayaasha beelaha hawiye ayaa waxa ay kaga hadleen falalka Amaan daro ee ka jira magaalada muqdisho iyo dilalka lala beegsado aqoonyahanada iyo saraakiisha Dowladda.
Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay xaaladaha amaan dari ee maalmahan ka jira magaalada,isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dilka qorsheysan iyo qaraxyadda ka socda magaalada muqdisho.
Baaqa ka soo baxay waxgaradka Beelaha hawiye ayaa ku soo beegmay xili magaalada muqdisho 24saac ee la dhaafay lagu dilay in ka badan 6 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil Nabad Sigida ah.
Kulankiii maanta ay yeesheen Beelaha hawiye,xubnihii ka qeybgalay waxaa ka mid ah Ugaas cabdi daahir Ugaas iyo cabdi Iimaan oo ah Gudoomiyaha beelaha Hawiye.
mudugnet-news



