Howlihii dekadda magaalada Kismaayo oo dib u furmay iyo abaabul ka socda Buulagaduud
Posted to the Web May 31, 12:39
Kismaayo:-Dekedda magaalada Kismaayo ayaa saaka oo khamiis ah dib u furtay howleheedii caadiga ahaa kadib markii ay xanibnayd mudo dhowr maalmood ah.
Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha sade oo haatan iyaga gacanta ku haya Kismaayo ayaa ku guulaystay in maanta ay ka saaraan maleeshiyadii haystay dekadda Kismaayo
Maleeshiyada ay maalmaha dekedu u xirnayd ayaa sheegtay inaysan ku qanacsanayn wax aan ahayn mushaarkoodii oo ay helaan taasoo keentay inay maalmo hakadaan shaqooyinkii caadiga ahaa ee dekedda Kismaayo.
Arinta ah ku habsiga iyo khalkhalgalinta howlaha dekedda kismaayo ayaa ah kuwo magaaladaasi caadi u ah
Warar aan wili la hubin ayaa sheegaya in laga dareemayo Buulagaduud abaabul dagaal waxaana dhici karta in mar walb uu dagaal qarxo.
Cabdi Yare
Halgan.net




