This is funny
Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada oo isku rasaaseeyay Muqdisho.
May 31, 2007 (HawiyeNews.com) Ciidamada Ethiopian-ka oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka shakiyay kooxo maleeshiyo ah oo ka tirsan ciidamada Dowlada oo aan labisneen dareeska ciidamada, halkaaso ay israsaaseyn xoogan ku dhex martay labada dhinac.
Laba qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay israsaaseyntaasi ku geeriyootay, halka ay jiraan dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac waloow aan cadadkooda la xaqiijin karin.
Isku dhacaasi ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay markii ciidamada Ethiopian-ka ay ka shakiyeen kooxo Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidamada DF oo hubeysnaa balse aan xirneyn dareeska lagu yaqaano ciidamada dawladda, isla markaana ku sugnaa agagaarka Lafweyn.
Ciidamada Ethiopian-ka ayaa la sheegay in kooxadaasi ka tirsan ciidamada DF ay kaga shakiyeen inay weerar ku qaadi rabaan taasoo sababtay in ciidamada Ethiopia ay rasaasta bilaabaan.
Israsaaseyntaasi oo waqti kooban socotay ayaa joogsatay kadib markii lasoo kala dhexgalay labadaasi dhinac,waxaana la sheegayaa in masuuliyiin ka tirsan dawladda oo ku sugan deegaankaasi ay soo dhex galeen.
Xaalada deegaankaasi ayaa iminka degan mana jirto wax dhibaato ah oo ka taagan halakasi iyadoo isu socodka dadka uu caadi kusoo laabtay isla markaana labada ciidan ay is garteen.