Postby DawladSade » Thu May 31, 2007 11:03 am
Mid Ka Mid Ah Beelaha SADE Oo Shirweyne Uu Uga Furmey Tuulada Daabley Oo Ka Tirsan Degmada G/Haarey Ee Gobolka Gedo
May 31,2007
by Baardheere-GEDO-NN
Shirweynahan oo maanta si rasmi ah ugu furmay Tuulada Daabley ayaa waxaa la sheegay mudada uu socda inay ka qeyb qaadandoonaan, ergiiyin kor u dhaafey ilaa 250 xubnood oo ka kala yimid Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo, kuwaasi oo isugu jira hogaamiyayaal dhaqameedyo ,duqey,siyaasiyiin ,saraakiil, aqoonyahano,dhalinyaro, culomaaudiin,haween iyo waxgarad kale,iyadoo shirkana ay ku wada hadlayaan BEESHA REER YUUSUF EE XASAN GAASHIREDLE.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah waxgaradka Beeshaasi oo ku dhaqan Gobolka Gedo,ayaa mudada uu socda oo lagu sheegay 15 maalin ah ayaa Maxamed Cabdi Kaliil oo ka mid ah Masuuliyiinta ka qeygaleyso shirkaasi ku tilmaamey ujeedadiisu mid Beesha ay kaga hadleyso danaheeda,sidii beesha ay gacan ugu geysan lahayd howlaha Nabada iyo dib u heshiisiinta Gobolka iyo waliba sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka hadda taagan oo wiiqaya nabada iyo isdhexmarka Gobolka.
Kaliil ayaa intaasi ku darey shirkani oo ah kii ugu horeeyey oo beesha Reer Yuusuf ay yeeshaan in ujeedadiisu ay tahay mid nabadeed oo Beelaha kale ee SADE u horseedaya nabad kuwada noolaansho dhexmarta iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinkii colaadeed ee la soo marey,isla markaana loogu gudbo horomar iyo wax wadaqabsi.
Dadka la yaqaan ee ka qeyb qaadanaya shirweynahan ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal dhaqameedyo,mas,uuliyiin maamul iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ugaas.Maxamed Xasan Yarow,Nabadoon Macalin Aden Cabdi Geesey,Col.Maxamed Cabdi Aden (IRIS),G/xigeenka Maamulka G/haarey C/risaaq Maxamed Xuseen,Sheekh Cali Nord,Nabadoon Mahad Macalin
Cusmaan,Xuseen Cawl iyo wax garad kale.
Shirkaan oo ah kii noociisa oo kale ay beeshani ay yeelato ayuu sheegay Kaliil inay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah oo Beesha iyo Beelaha kale ee SADE u horseeda nabadgelyo iyo nidaam ay ku dhaqmaan.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere