Isku dhacyo beeleed oo ka soconaya deegaano katirsan gobolka Bay.
June -3-2007-HornAfrik, Mogadishu
Wararka ka imaanaya deegaanka Mannaas ee gobalka Bay ayaa ku waramaya in dagaalo xoogan ay halkaasi dib uga bilaawdeen kuwaasi oo u dhexeeya laba beelood oo wada dega.
Warku waxa uu sheegaya in sababta ka dambeeysa dagaaladaani ay tahay ismaan dhaaf ka dhashay ceel biyood ay isku qabsadeen .
Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah ilaa iyo afar qof ayaa ku geeriyootay dagaalo goos goos ah oo labadaasi beel ku dhex maray tuulooyin hoos taga degamada Mannaas.
Maamulka degmada Baydhaba iyo midka gobalka ayaa haatan wada dadaalo xoogan oo ku aadan daminta xiisada dagaal ee halkaasi ka aloosan .
Waxa uuna maamulka halkaasi u diray ciidamo boolis ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaalamaya si mar kale dagaalo u dhicin , waxaana sidoo kale deegaanada lagu dagaalamay u ambabaxay odayaal iyo wax garad doonaya dajinta xiisada .
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay beelahaani wada dagaalamaan , waxaana horay u jiray dhowr iska hor imaad oo dhex maray , iyadoo qilaafkoodana uu ka bilaawdo ceel biyood daaqsin leh oo ay isku qabsadeen .