Page 1 of 1

BREAKING NEWS Gudoomiyaha degmada Ceelbuur caawa lagu dilay

Posted: Sun Jun 03, 2007 2:03 pm
by Hiiraan boy
War deg deg ah Gudoomiyaha degmada Ceelbuur caawa lagu dilay degmada Wardhiigley
Muqdisho
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in caawa Fiidkii lagu dilay degmada Wardhiigley Gudoomiyaha degmada Ceelbuur uu dhwaan u magacaabay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf

Dillaka qorsheeysan iyo qaraxyada ayaa Muqdisho ka noqdayt kuwa caadi iyadoona maanta kaliya Muqdisho ay ka dhaceen dhowr qarax oo waaweyn , mana jirta ilaa iyo hadda cid ama qof lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeyaan oo looqabtay

Muqdisho ayaa laga sugaayey in shir dib u heshiisiin in lagu qabto ayaa xiligaan u muuqdi mid kaga siidaray magaalada una keenay dilal iyo isqarxin

Muqdisho oo 16kii sano aan nabad helin helay marka laga reebo 6dii Bilood ay magaalada ka talinayeen Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo iyagu kenay nabad ka fiicneyd caasamada badan oo ku yaalo wadamada reer galbeedka

Re: BREAKING NEWS Gudoomiyaha degmada Ceelbuur caawa lagu dilay

Posted: Sun Jun 03, 2007 2:04 pm
by paidmonk
who fought?