meanwhile another dabadhilif down
War deg deg ah Gudoomiyaha degmada Ceelbuur caawa lagu dilay degmada Wardhiigley
Muqdisho
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in caawa Fiidkii lagu dilay degmada Wardhiigley Gudoomiyaha degmada Ceelbuur uu dhwaan u magacaabay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf
Gudoomiyaha degmada Ceelbuur caawa la dilay ayaa lagu magacabaa Cali Maxamuud Siicoow oo lagu magacaabi jiray Cali Waraabe
Marxuunka ayaa la dilay xili uu soo dukaday Salaada Cisha ah kadib markii uu u socday hooygiisa oo ka ag dhawaa masjidka uu ku soo dukanaayey
Dilalka qorsheeysan iyo qaraxyada ayaa Muqdisho ka noqdayt kuwa caadi iyadoona maanta kaliya Muqdisho ay ka dhaceen dhowr qarax oo waaweyn , mana jirta ilaa iyo hadda cid ama qof lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeyaan oo looqabtay
Muqdisho ayaa laga sugaayey in shir dib u heshiisiin in lagu qabto ayaa xiligaan u muuqato mid kaga siidaray magaalada una keenay dilal iyo isqarxin aan hore looga baran
Muqdisho oo 16kii sano aan nabad helin marka laga reebo 6dii Bilood ay magaalada ka talinayeen Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo iyagu kenay nabad ka fiicneyd caasamada badan oo ku yaalo wadamada reer galbeedka
News Update in English
www.dayniileone.com