'NO MORE SOMALILAND ...' Xil. Cali Gebiley, Mudane Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 2 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gebiley) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sameeyey muddaharaaday ku lid ah Somaliland, isaga oo ka cadhaysan laba xubnood oo ka mid ahaa Komishanka cusub ee Doorashooyinka, balse, Golaha Wakiillada ka waayey codkii ansixinta.
Mudane Cali Gebiley oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, balse, isaga laga doortay Hargeysa, ayaa maanta markii uu dhammaaday fadhigii golaha ee codka loogu qaaday xubnaha Komishanka waxa uu ka soo baxay fadhiga golaha isaga oo ku dhawaaqaya "Somaliland ma jirto ... Somaliland way dhammaatay ... No More Somaliland...Ma qabiil keliyaa qaran noqonaya...".
Mudanayaal door ah iyo dadweyne aad u fara badan oo ka soo dareeray golaha ayaa maqlayey Mr. Cali Gebiley markii isaga oo golaha hortiisa ka muddaharaadaya uu ku dhawaaqayey erayadaas iyo kuwo kale, kuwaas oo qaarkoodna ay u qoslayeen, qaar kalena ay la yaabanaayeen, isla markaana suxufi markaa goobta taagnaa ayaa ka duubay erayadaas uu ku dhawaaqayey Cali Gebiley.
Cali Gebiley oo kadib suxufiyiin iyo mudanayaal weydiiyeen inuu yidhi "No More Somaliland..." wuu qirtay, isla markaana wax cudurdaar ah kama bixin, mana muujin inuu ka xun yahay hadalkaas. Balse, waxa uu ku doodayey in sida codqaadistu u dhacday ay muujinayso in la ansixiyey xubno ka soo jeeda beel keliya.
Labada xubnood ee golaha ka waayey codka ansixinta ayaa ka soo kala jeeda Gobolka Awdal iyo Bariga Sanaag.
Madaxweyne Riyaale oo la weydiiyey sida uu u arko natiijada ansixinta Komishanka maanta intii aanu dalka ka dhoofin ayaa isaguna calaamatul su'aal geliyey sababta labadaa xubnood goluhu u reebay.
Xildhibaanno iyo aqoonyahanno badan ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Cali Gebiley mid uu ku waayi karo xubinnimadiisa Golaha, waxayna ku taliyeen in Shirguddoonku tallaabo ka qaado.
Dadkaasi waxay u arkaan in Cali Gebiley oo ah xildhibaan uu u dhaartay inuu daacad u yahay Somaliland, isla markaana hadalkaas uu fagaaraha kaga dhawaaqay uu burinayo dhaartaas.
C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.




