Xiisado iyo abaabul dagaal oo ka taqagan magaalada Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo horay looga soo saaray magaalada Kismaayo, haatana ku sugan degaanka Buulo-guduud ee duleedka degmadaasi ay wadaan abaabul ciidan iyadoo saacadihii la soo dhaafayna ay ciidamo aad u tiro badan ku daabuleen tuulada Yoontoy ee isla degaankaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidanka halkaasi lagu ruurinayo ayaa sheegay inay jiraan ciidamo halkaasi lagu ruurinayo isla markaana laga soo daabulayo magaalada Muqdisho si bey yiraahdeen ay saacadaha soo socda xoog ugu jiiraan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, abaabul midkan la mid ah ayaa waxaa wada ciidamada ku sugan gudaha Kismaayo ee xooga kula wareegay gacan ku heynta magaalada, waxayna xoogagani u diyaar garoobayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen gulufka colaadeed ee ay ka filayaan dhinaca ku sugan Buulo-guduud.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli xilkii laga xabuubiyay taliyihii guutada koowaad ee ciidanka xooga Col. C/risaaq Afguduud oo isagu hogaaminayay ciidamadii xooga looga saaray Kismaayo, kaasoo kadibna u baqoolay magaalada Baydhabo.
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com