Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in duulaankii dhowaan ay Ciidamada Cirka iyo Badda ee Marykanka ku duqeeyeen degaanka Baar gaal ay ka soo baxayaan warbixino kale oo sheegaya in duqeyntaasi ay socotay muddo laba maalmood ah, kadib waxaana garoon macmil ah oo degaanka ku yaal ka soo degay Ciidamo Mareykan ah kuwaasoo ka qeyb qaatay howlgalkaasi…
Wararka ayaa sheegaya in 31-05-07 Diyaaradaha & Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku duqeeyay kadib markii magaaladaasi lagu arkay koox hubaysan oo ka soo dagtay laash goor aan laga warhayn ku waa soo galay buuralayda, Maamulka magaalada ayaa kooxdan ku wargaliyeen maamulka gobolka Bari iyo Puntland kiyo Koox sirdoonka Mareykanka ah kuwaasoo Ciidamo Mareykan iyo Soomaali isku dhaf ah u diray goobtaasi Waxana la sheegay in dagaal dhexmaray, balse ay kooxdan ay ahaayeen kuwo si fiican hubaysnaa oo hub xoog-badan watay.Waxayna galeen kooxdan meel lagu magacaabo Xoorka, waxayna ugu baaqeen in meesha ay ku jiraan dabadeedna waxaa lagu duqeeyay gantaalo iyo madaafiic, iyadoo wararku ay sheegayaan iney halkaasi dhamaantood ku dhinteen oo godkii ay galeen lagu gubay. Kadibna waxaa la sheegay in maydadkii kooxdani iyo Compiyutero iyo qalab kale ay qaateen Maraykanka oo ay ku rarteen diyaarad, wixii ka dameebaya weerarkaasi waxaa la sheegaya in si weyn looga maqlayey guuxa diyaaradaha ee dalka Mareykanka iyaga oo ku socda jawi hoose taas oo walaac galisay dadka ku nool Boosaaso iyo Puntland.
Diyaaradahan oo laga seexan waayey habeenkii xalay ayaa waxay dadku ku macneeyeen in ay ku wajahan yihiin Baargaal, halkaas oo lagu sheegay in ay ku sugan yihiin koox ajaanid ah waloow aan arinkaas xaqiiqo laga hayn.




