4 Juun waa maalintii ah Maxakamdaha Islaamka ee Soomaaliya ay la wareegeen Caasimada Muqdisho, kadib markii dagaal qaraar oo muddo socday la galeen Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee inta badan Caasimada Muqdisho u kala qeybsaneyd, dagaalkaasoo wax badan ka bedelay xaalada siyaaso iyo amaan ee Soomaaliya…
Xusiyada sanad guuradaan ayaa dad badan oo magaalada Muqdisho ku nool iyo hareeradeeda waxey ku xusayaan noloshii iyo amaankii ka jiray mudadii ay talada hayeen Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya, kadib markii ay Ciidamada Ethiopia oo ay kaalmeynayaan Mareykanka ay duulan balaaran ku soo qaadeen Koonfurta Soomaaliya isla markaasna ay taladii kala wareegeen Maxkamadaha, ayaa waxey weli hanan la’yihiin nabad iyo xasilooni ku soo dabaalida Caasimada, waxaana weli ka taagan guud ahaan Caasimada Muqdisho qaraxyo, dilal qorsheysan, iyadoo bulshada ku nool magaalada ay cabsi soo food saartay amaanka mustaqbalkooda, weeraradaan iyo qaraxyadaan ayaa lagu beegay xuska maalintaasi waxaan bartilmaameed looga dhigay qaraxyo waa weyn oo ka dhacay Muqdisho shalay iyo doraad, iyadoo la la beegsaday Guriga Prof.Cali Maxamed Geedi iyo Guriga Gen.Gabre Dila Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya, kuwaasoo galaaftay nolosha Soomaali iyo Ethiopian, dad badan ayaa waxey tilmaameen in falalkaan ay astaan u tahay iney weli sameyn ku leeyihiin awooda Maxkamadaha Islaamka, iyadoo dadka qaarkiis ay isku qanacsiiyeen in laga adkaaday oo shaashada siyaasada ay ka baxeen